4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2016
Madaxweyne Xassan Sheekh oo ku baaqay in saxafiyiinta la badbaadsho


Khamiis, Nofember 03, 2016 (HOL)-Munaasabad casho sharaf  ahayd oo xalay loo sameeyay wariyeyaasha taasoo ku beegneyd taariikhda Miilaadiga maalinta soo af jarida ha arkin ha maqlinta xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta ee caalamiga ah oo shalay ku beegneyd ayaa waxaa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay uu ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in saxafiyiinta iyo dadka ka shaqeeya warbaahinta la badbaadsho ammaan ballaarana loogu dadaalo.

Casho sharaftaa oo wariyeyaasha iyo dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed loogu sameeyay Muqdisho xalay gaar ahaan Villa Somalia ayaa madaxweynuhu wuxuu sidoo kale asagoo khudbad jeedinaayay uga mahadnaqay wariyeyaasha sida ay nafafyaalkooda halista ugu gashaan siinta dadweynaha wararka iyo xogta muhiimka ah. 

"Hadii aysan ahayn saxafiyiinta Soomaaliyeed, dalku kuma tillaabsadeen horumarkaan laga gaaray dhanka ammaanka, isla xisaabtanka, hufnaanta iyo horumarka'. Sidaa ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

" Saxafiyiinta Soomaaliyeed waa geesiyaasheena waana in aan samayno wax kastoo karaankeena ah si aan u soo afjarno ha arkin ha maqlinta xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta'. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray mar uu la hadlayay saxafiyiinta iyo madax kale oo xafladaa casho sharafta ah joogay.

Laabsamida uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud u muujiyay wariyeyaasha xalay ayaa la jaan qaadeysa baaqa beesha caalamka ee ah in lasoo afjaro ha maqlin ha arkin oo ha ka hadlinta gabboodfallada loo geysto bahda saxaafada Soomaaliya.

Dhanka kale shalay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war murtiyeed soo saartay kaasoo ay ku taageereyso maalinta caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro ha arkin ha maaqlinta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

" Maalinta caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro ha arkin ha maaqlinta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ayada oo ay tahay ayaa dawlada Mareykanku sharfeysaa ragga iyo dumarka warbaahinta Soomaaliya oo inkastoo cagajugleyn iyo dhibaato jidho siiya warar iyo xog dadka Soomaaliyeed'. Sidaa ayaa lagu yiri warkaa.

'Dawlada Mareykanku waxay salaan sare u taageysaa dhiiranaanta saxafiyiinta Soomaaliyeed oo naftooda u khatar gasha adeegsiga xaqa ay u leeyihiin xaquuqda hadalka ayagoo ku hadlaya magaca dadka Soomaaliyeed'.

Waxaa dawlada Mareykanku sheegtay inay ka dalbeyso dawlada Soomaaliya inay qaado tillaabo lagu soo afjarayo ha maqlin ha arkinta dhibaatada lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliya.

'Waxaanu ku taageereynaa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud baaqiisa lagu badbaadinaayo saxafiyiinta'. Sidaana waa lagu yiri warkaa.

Soomaaliya ayaa sanadkaan gashay nambar kow dalalka lagu laayo saxafiyiinta iyo dadka ayagu ka shaqeeya warbaahinta ideylkood.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]