4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2016
Gudiga Qaran ee amniga doorashooyinka dadban ee dalka oo Kismaayo gaaray [Sawirro]


Talaado, November, 22, 2016 (HOL ) - Xubno ka tirsan gudiga qaran ee amniga Doorashooyinka dadban ee dalka oo uu horkacayo Taliyaha Booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Max’ed Sheekh Xasan Xaamud islamarkaana uu qeyb ka ahaa taliyaha nabadsugidda iyo sirdoonka dalka Sarreey Guuto C/laahi Gaafoow Max’uud ayaa manta si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo.

Wafdiga ayaa imaatinkooda kadib tagay xarunta ay ka socdaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka, halkaasoo markii ay booqanayeen ay ka socoto doorashada mid kamid ah mudaneyaasha baarlamanka cusub ee dalka.

Masuuliyiintan ayaa warbixinno ka dhageeystay gudiga doorashooyinka Jubaland iyo saraakiisha ku howlan amniga ee isugu jirtay AMISOM, kuwa dowladda Dhexe iyo saraakiil ka tirsan Jubaland, waxaana ay uga warbixiyeen xaaladda amni ee doorashooyinka.

Intaa kadib waxaa warbaahinta la hadlay taliya Booliska dalka Max’ed Sheekh Xasan Xaamud, isagoo sheegay in safarkoodan uu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo ay ku bixin doonaan gobollada dalka ee ay doorashooyinka ka socdaan, isagoo xusay in ujeedku yahay in ay qiimeeyaan xaaladda amniga ee doorashooyinka.

Waxa uu xusay in saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ku kulmaan Muqdisho ayagoo iska xogwareeysanaya amniga.

Doorashooyinka xubnaha kamid noqon doona aqalka hoose ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland ayaa weli ka soconaya magaalada Kismaayo, waxaa la doortay 40 Mudane, ayadoo tirade laga doonayo Jubaland oo ah 43 ay ka harsanyihiin sedex mudane oo qura.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.