4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2016
Xoogagga Al-shabaab oo gudaha u galay deegaan ku yaalla Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya


Talaado, November 22, 2016 (HOL) — Wararka ka imaanaya Tuulada Haluqa oo ka tirsan Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in Dagaal-yahanno Al-shabaab ka tirsan ay manta muddo kooban gudaha u galeen.

Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay Bam-gacmeed ku Tuureen Taawarka shirkadda Taleeoon ee Safaricom, taas oo sababtay in is-gaarsiintii deegaanka ay go’do.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa dankeeda sheegtay inay xoogag ka tirsan kuwooda ay gacanta ku dhigeen Tuuladaas, kaddib markii ay dhawr jiho ka weerareen. Iyagoo intaa ku daray in in saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay khudbad u jediyeen shacabka deegaankaas.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay, in Saraakiisha ka khudbeeyay Haluqa ay shacabka u sheegeen in Dowladda Kenya ay tahay mid gumeysi ayna la gudboon tahay qof walba oo muslim ah inuu ka qayb-qaato dagaalka dhanka ka ah Xukuumadda Nairobi.

Al-shabaab ma sheegin khasaaraha ay geysteen iyo kan loo geystay, iyadoo Weerarkaan uu kusoo beegmayo Xilli ay Dowladda Kenya dib u dhigtay Qorshe ay ku Xiri lahayd Bishaan Xeryaha Qoxootiga Dhdhaab ee Kenya oo ay ku nool yihiin kumannaan Soomaali u badan.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa Weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha Kenya, iyagoo Weeraradaas waday tan iyo markii Xukuumadda Kenya ay u soo dirtay Somalia kumanaan ka tirsan ciidamadeeda, kuwasoo hadda qayb ka ah hawlgalka AMISOM..

Weerarrada ay Al-shabaab ku Qaadday Kenya, ayaa kuwii ugu xooga badnaa ayaa ka kala dhacay; Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya oo ay Al-shabaab ku Weerartay - Westgate Mall bishii Sebtember ee Sannadkii 2013-kii, kaasoo ay ku Naf-waayeen Tiro ku dhaw 70 ruux.

Ugu dambeyn, Weerar dhacay bishii Abriil ee Sanadkii hore ee 2015-ka, oo ay Al-shabaab la beegsatay Jaamacadda Garissa ayaa Waxaa ku Geeriyooday in ku dhowaad 150-qof oo u badanaa Ardaydii Jaamacadda dhiganayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya