4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2016
SAWIRRO: Maxdawayne Siilaanyo oo soo gaaray Maanta Sool si uu Qiimeyn ugu Sameeyo Abaarta

Talaado, November 22, 2016 (HOL) —Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Socdaalka madaxwaynaha ayaa ku salaysan xog-ogaal u noqoshada xaaladda abaareed ee dalaka ka jirta ,wafdigan ayaa intuusan soo gaadhin magaalada  ayaa ku hakaday deeganka Yagoori oo 52-km Waqooyiga kaga quman magaalada Laascaanood.

Madaxwaynaha Siilanyo ayaa sheegay inay u socdeen sidii ay dadkiisa ula qaybsan lahaa xaalda daran ee dalka ka jirta oo uu ku tilmaamay aafo Qaran iyo sidii loo qiimayn lahaa qaabka ugu haboon ee wax loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan.

“Waxaa Socdaalkeygan keenay dhibaatada haysata Dadkayga, mana jirto arrimo siyaasadeed oo manta noo weheliya,’’ ayuu yiri  madaxwaynaha xili uu la hadlayay dadwaynaha iyo waxgaradka Yagoori.

Maamulka dagmada Ayaa si wayn u soo dhaweeyay Madaxwaynaha iyo xubnaha golihiisa ee ku  weheliyay safarkiisa waxayna uga warbixiyeen xaaladaha cakiran ee ka taagan dhamaan deeganadani.

Ugu dambeyn, Waxaa la filayaa in Madaxwaynaha Somaliland uu kulammo xog-waraysi ah saacadaha sooscda laqaato gudiyada abaaraa ee laga magacaabay maagaalda laascaanood auuna ku wareejin doono waxii caawimaa ee uu ugu talagalay sida ay xubnihiisu iclaamiyeen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]  
Laascaanood, Gobolka Sool