4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2016
SAWIRO: Musharax ka Hadlay Musuq-maasuqa iyo Dib u Dhacaya Hareeyay Doorashooyinka

Talaado, November 22, 2016 (HOL) — Musharrax Jirbiirl Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan Xilka Madaxnimada Dalka Somalia oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa si adag uga hadlay dib u dhaca Doorashooyinka, Musuq-maasuqa Hareeyay Doorashooyinka, dhibaatada laga dhaxli karo dib u dhaca doorashooyinka, sida ay guddiyada doorashada u xil-saaran ay ugu sheegi la’yihiin Soomaalida in doorashadii dib loo dhigay.

Jibriil Cabdulle, ayaa ka Tacsiyadeeday Geeridii ku timid, Xildhibaan Daahir Xaaji Geele oo maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe ee Puntland oo loo doortay dhawaan xildhibaan Aqalka Hoose ka tirsan.

“Anigoo ka mid ah Musharraxiinta u taagan Xilka madaxtinimada Somalia ee sannadkan 2016-ka, Waxaan si aad ah uga walaacsanahay dib u dhacayada joogtada noqday ee hareeyay Hanaanka doorashooyinka dalka iyo musuqqa qaawan ee jira,”  ayuu yiri Musharrax Jibriil Ibraahim.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federaal ay ku guul-darreysteen inay bulshada u sheegaan dib u dhaca jira iyadoo ay muuqato in xilligii loo qabtay doorashada aysan suuro-gal ahayn in Madaxweyne lagu doorto.

Musharraxa ayaa hadalkiisa ku daray, “Ka Muwaadin iyo musharax ahaan, waxaan ugu baaqayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban in aysan runta ka leex-leexan oo ay Malaayiinta Soomaaliyeed ee ka war-dhawraya arrimaha doorashada ay u sheegaan sababaha dib loogu dhigay doorashada la filayo in lagu soo doorto madaxweynaha cusub ee dalka.”

“Waxaa muuqata inaanay jirin cid xil iska saareysa amaanka mudanayaalsha ku guuleystay ka mid noqoshada labada Aqal ee Baarlamanka, taaoo Suuro-gal ay tahay in la beegsado ama lagu dilo shirqoolo siyaasadeed. Waxaana muuqata inuu abuurmay nidaam rabitaan kooxeed ku dhisan oo diyaar u ah inay ka taqalusan cid kasta ama koox kasta oo iyaga ka hor-timaada. Sidoo kalena waxaa bareer loogu xad-gudbay dhamaan xeerarkii doorashooyinkii ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Somalia,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, Musharraxa ayaa sheegay in isagoo ka xun musuq-maasuqa hareeyay Hannaanka Doorashada xildhibaannada Qaran, ayana walaaca ku arrintaan la qaybsanayaan Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

“Waxaan u sheegayaa inta ku lugta leh arrimahaas, inay ka Feejignaadaan, maadaama ay ka dhalan karto cawaaqib aad u balaaran oo saameysa Cid kasta oo Soomaali ah iyo saaxiibada Soomaaliya,” ayuu mar kale Jabriil ku yiri shirkiisa jaraa’id. Wuxuuna raaciyay. “Haddii Musuq-maasuqa xaddigiisu sareeyo uu sidaan ku sii socdo, Waxaa suuro-gal ah inay aad u yaraadaan aqoon-yahannada ku biiraya baarlamaanka cusub, xubno badan oo waxtar lahaana musuqa uu hor-seedo inay waayaan xuquuqdii ay lahaayeen.”

Ugu dambeyn, Wuxuu Hadalkiisa ku soo Gunaanaday in Xildhibaannada ku biiray Aqalka Sare iyo kan Hoose, waxaan iyana ugu baaqayaa in codkooda amaanada ah ay ku doortaan Madaxweyne samata-bixi kara, hase yeeshee aysan fiirin Qarashaad yar iyo balan qaadyo shaqsiyadeed oo olole u badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya