4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2016
Wasiir ku-xigeen ka tirsan DF iyo xubno kale oo ku soo baxay doorashada aqalka hoose, Jowhar

Talaado, November, 22, 2016 (HOL) - Iyadoo maanta ay dib uga bilaabatay magaalada Jowhar doorashada wajigii labaad xubnaha aqalka hoose, ayaa waxaa ku soo baxay xubno uu ka mid yahay wasiir ku-xigeenka wasaarrada warfaafinta iyo xildhibaanno hore.

Doorashada oo ammnigeeda siweyn loo ilaalinayay ayaa waxaa xildhibaannada guuleystay ka mid ahaa C/llaahi Collaad Rooble oo ah wasiir ku-xigeenka wasaarrada warfaafinta xukuumada Soomalaiyai, islamarkana horay uga tirsanaa barlamaanka waqtigiisu dhamaaday.

Sidoo kale xubnaha maanta guuleystay ayaa waxaa ka mid ah Samiira Xassan C/dulle oo laftirkeeda ka mid aheyd xildhibaannadii hore, iyo Yuusuf Xusseen Axmed oo ka mid noqday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Doorashadan maanta ayaa dhacday kaddib markii guddiga doorashada heer federaal ku dhawaaqeen in la sii anba-qaado, kaddib shaqaaqadii habeennimadii Jimcaha todobaadkii hore ka dhacday magaalada Jowhar taasoo ka dhalatay doorasho lagu murmay.

Siddoo kale doorashada magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado ayaa doorashadu ka soctaa, waxaana maanta soo baxay xildhibaanno hore iyo kuwa cusub oo hadda ka mid noqonaya baarlamaanka federaalka 2016ka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya