4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2016
Denmark oo joojinaysa ka qeybqaadashada la dagaalanka burcad badeeda

 

Talaado, Nofeembar 22, 2016 (HOL)-Dawlada Denmark oo ka qeyb qaadaneysay ololaha Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa shaacisay inay hawl galkaa ka baxayso.

Maraakiibta dagaalka ee Denmark ayaa ka caawinaayay NATO la dagaalanka burcad badeeda gacanka cadmeed 9 sano. Waxay qabteen askarta Denmark ee hawlgalkaa 295 qof oo burcad badeednimo looga shakiyay intii hawlgalka ay ku jireen.

50 dadkaa ka tirsanaa ayaa dacwado si loogu soo oogo loogu gudbiyay dalal kale.

Weerarada burcad badeeda ayaa hoos u dhacay min 2011 ilaa 2016.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]