4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2016
Guddiga doorashada oo go'aan gaarray iyo doorashadii aqalka hoose ee Jowhar oo dib u bilaabatay

Talaado, November, 22, 2016  (HOL) -- Doorashadii xubnaha aqalka hoose ayaa dib uga bilaabatay magaalada Jowhar, kaddib go'aan laga garay kursigii gacan ka hadalku ka dhashay ee aqalka hoose.

War ka soo baxay guddiga doorahada oo la soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter -ka ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay kurisgii khilaafku ka dhashay, kaasoo sababay is rasaaseyn ay ku dhaawacmeen ilaa afar ruux.


Guddiga ayaa ogolaaday in laga bilaabo maanta dib loo bilaabo doorashadii xubnaha aqalka hoose oo  tan iyo markii ay shaqaaqada ka dhacday Jowhar hakad ku jirray.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay tageen magaalada Jowhar guddoonka guddiga doorashada, saraakiil ciidan, iyo danjirayaasha QM iyo midowgga Africa oo dhamaantood kala hadlay maamulka Hirshabeelle  iyo guddiga doorashada heer dowlad gobolleed xaqiijinta in doorashadu u dhacdo si nabad-galyo ah.

Ugu danbeyntii, doorashadii maanta ka dhacday Jowhar ayaa lagu doortay saddex xildhibaan, waxaana wali soconaya doorashada xubno kale oo natiijadooda la fillayo goor dhaw.

C/raxmaan Dini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya