4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2016
Dowladda Turkiga oo shaqadii ka eriday 15000 oo shaqaalle ah

Talaado, November, 22, 2016 (HOL) --Dawladda Turkiga ayaa shaqada ka eriday 15000 oo ruux oo isugu jira booliis iyo shaqaale dawladeed arrintaas oo la xiriirta afgambigii dhicisoobay ee bishii July ka dhacay dalka Turkiga.

Siddoo kale dowladda ayaa albaabada u laabtay sagaal warbaahin oo hor leh, sideed iyo toban hay'ado gargaar iyo in kabadan shan boqol oo urur.

Ugu danbeyntii, saddexdii bilood ee u danbeeyay waxaa sidoo kale meesha laga saaray tobanaan kun oo ruux oo taageersanaa Fethullah Gulen, kuwaas oo madaxwayne Recep Tayyip Erdogan uu ku eedeeyay in ay maleegeen afgambigaas.

Xigasho BBC