4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2016
SOMALILAND: Qaxootiga ka Imaanaya Yemen Arrimo dhanka Caafimaadka ah ayaa u Hakinay


Talaado, November 22, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa la Sheegay in ay joojisay qaxootigii ka imanayey dalka Yemen, kuwaas oo isugu jiray Soomaali iyo Yemen.

Qaxootigan oo sadexdii sanno ee u dambeeyey ka soo qul qulayey wadanka Yemen, ka dib dagaalo ka socday wadankaasi, kuwaas oo boqolaal ka mid ahi soo gaadheen Somaliland.

Hase yeeshee, wararka naga soo gaadhay dekadda Berbera ayaa sheegay inay hakiyeen dad qaxooti ah oo doonayey inay yimaadaan Somaliland, kuwaas oo ka soo qaxay Yemen, waxaana lagu sababeeyey xannuunno ka dilaacay wadankaasi oo laga qabo inay faafiyaan qaxootigaasi soo galaya wadanka.

Badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed  ayaaa sheegay sababta xukuumaddu u joojisay qaxootigaasi ay ahayd cudurka daacuunka ama shuban biyoodka oo ka dilaacay Yemen, isla markaana wadamadda la jaarka ah Yemen ay joojiyeen qaxootigaasi sida wadanka Jabuuti oo iyaguna joojiyey qaxootigii uga imanayey Yemen.

“Sababtu waxa weeye Waxaa dalka Yemen ka dilaacay xanuunka daacuunka ama shuban biyoodka dadka ku dhaca, sidaa awgeed ayaanu u joojinay qaxoontiga si ku umeel gaadha illa inta xal u helayno xanuunka Shuban biyoodka”ayuu yidhi Jaamac Yuusuf.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “ Go’aankan waxa kale oo gaadhay wadanka Jabuuti ka dib markii xanuunkaasi ka dilaacay dalka Yemen, isla markaana wakhti xaadirkan ay ku hawlan yihiin sidii ay xal u heli lahaayeen arrinta, waxana maamulka gobolka Saaxil si wada jir xal u raadinta xanuunka ka wada shaqeynayaan wasaaradaha caafimaadka iyo sidoo kale hay’daha caalaamiga ah.”

Waxaa kale jira Doon ku soo xidhatay dekadda oo ka timid Yemen siday afartan qof oo iskugu jiray Soomaali iyo Yemen oo muddo kooban lagu hayey badda, inkastoo markiii dambe dadkii la soo dajiyey, wallow ninkii Doonta waday la xidhay, waxaanu Badhasaabku sheegay in doontaasi ka dhacsanayd rusqadeedii oo aan la cusboonaysiin, islamarkana qaxoontigii saarna doontaas la dejiyey baadhitaan caafimaad ay wakhtigan xaadirka ah lagu waddo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland