4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2016
Ruux Harraad ugu Dhintay Deegaanka Coodaale iyo Dad kasoo qaxay abaarta oo gaaray Wajaale


Talaado, November 22, 2016 (HOL) — Alla ha u naxariista waxa Haraad la Sheegay inuu ugu Geeriyooday Deegaanka Coodaale Wiil 12-jir ah oo ka mid ahaa Dadkii ka soo Qaxay abaarta ka dhacday bariga Somaliland ee deegaankaasi iskugu yimid.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo oo madaxweynaha warbixin ka siinayey saameynta abaarta ka jirta goboladda bariga ayaa sheegay in loo soo sheegay in wiil yar oo 12 jir ah oo baadi doon geel ah u geeriyooday haraad iyo biyo la’aan, isagoo sheegay inay dadku halis sugu jiraan biyo yaraan.

Badhasaabku wuxuu sheegay in deegaanka Coodaale ay iskugu yimaadeen dad faro badan iyo xoolahooggii, waxaanu sheegay in deegankaasi leeyahay daaq ay xooluhu cunaan balse aanu biyo jirin oo xoolaha oo kaliya wax ay cunaan ka heli karaan muddo gaaban.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo oo wiilkaasi yar ee haraadka u geeriyooday ka hadlaya waxa uu yidhi “Madaxweyne waxa abaarta noo raaca culays nagaga yimid dadkii abaarta ka soo qaxay, hadda waxa la ii soo sheegayaa inan yar oo sabi ah oo 12 jir ah oo geel baadi doon tagay oo meesha Barri taggi doonno hadda ku geeriyooday ee deegaanka  coodaale dushiisa, haraad buu u dhintay”.

Wiilkan yari waa qofkii ugu horeeyey inta la ogyahay ee la diiwaangeliyey ee haraad ama oon u geeriyooday intii abaaraha gobolada bariga la soo sheegayay.

Dhinaca kale, Dadkii Abaaraha kasoo Cararay ee dagay Galbeedka, ayaa Waxaa laga soo Sheegayaa in dhaxanta ka jirta darteed ay halis ku galeen inay dhaxan u geeriyoodaan.

Dadkaan, Abaarta Gobollada Bariga kasoo Qaxay oo aan Aqoon badan u lahayn Cimilada Gobollada Qaarkood ka jirta ayaa qaybo ka mid ah oo degay banka Wajaale dhaxanta ka dhacda awgeed halis ku galeen inay dhaxantaasi u geeriyoodaan, iyadoo wakhtiyadan oo kale Wajaale biyuhu fadhiistaan dhaxanta awgeed.

Dadkii magaalada Wajaale ayaa markiiba usoo gurmaday dadkan ka soo hayaamay abaarta ee soo degay Banka Wajaale, Waxaana Dadkaas loo Geeyey Bustayaal iyo Alaabooyin ay dhaxanta kaga gabadaan.

“Dadkii ka soo cararay abaarta ayaaa qaarkood soo degeen banka Wajaale oo wakhtiyadan oo kale dhaxan xoogani ka dhacdo, isla markaana dadku aanay joogi Karin goobaha cidladda ah ama banaanka, dadkan soo qaxayna ma sitaan guryo iyo maryo ka difaaca dhaxanta daran ee halkan ka jirta, waxaana markiiba u gurmaday dadkii reer Wajaale oo gurmad badan u fidiyey”ayuu yidhi Maxamuud Aadan Cali. oo ka mid ah dadka reer Wajaale oo khadka telefoonka kula xidhiidhay.

Degmada Wajaale ayaa xilligan oo kale ah goobaha ugu dhaxanta badan, waxaana mararka qaarkood la sheegaa in Dameeraha oo ah xayawaanka ugu adkaysiga badan ay dhaxan darteed u geeriyoodaan,waxaana wakhtigan oo kale biyuhu noqdaan Baraf, sidaas darteed dadka aan aqoon badan u lahayn waxay halis ku galaan naftooda maadaaama oo bii’addu ka duwan tahay tii ay daganaayeen.

Waxaa iyaguna dadkaasi dhaxanta halis u ku galay bustayaal ay dhaxanta ka gallaan usoo diray qurbo joogta, kuwaas oo shalay la soo gaadhsiiyey, isla markaana loo qaybiyey, dadkan ayaan sitan dhar iyo waxyaabo ay dhaxanta iskaga difaacaan, haseyeeshee waxa dar ilaahay u caawiyey dadka deegaanka oo markiiba la soo gaadhay dhar iyo bustayaal ay dhaxanta ka galaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland