4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2016
Madaxweyne Xassan'' Dowladda waxaaa ay guuleysatay in ay bixiso inta badan deymihii lagu lahaa Soomaaliya

Talaado ,November, 22. 2016 (HOL) -- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay muanaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose, ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya bixisay intii badneyd deymihii lagu lahaa Soomaaliya mudadii dheereed ee dalku bur burka ku jirray.

''Waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed ogaado,  dowladda waxaa ay bixisay Qaaraamaadkii ama Qaaraankii ku ururay dhowrkii sanno ee aan ka maqneyn hay'addaha caaalamiga ah, hadii ay ahaan  lahaayeen IGAD, Midowga Africa iyo Hay'addo kale oo caalami ah intoodii badneyd waa bixinay, '' ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in arintan ay ku timid dadaal dheeraad ah oo ay sameysay dowladda uu madaxweynaha ka yahay oo siweyn ugu dhaba-gashay ayuu yiri arintan, oo sidda uu sheegay lagu guuleystay in  qaar badan oo ka mid ah la bixiyo kuwa kalana laga cafiyay Soomaaliya.

''Arintan waxaa ay ku timid dadaal dheeraad ah oo ay bixisay dowladda, oo ku guuleystay in deymaha qaarna la bixiyo, qaarna laga cafiyo, halka inta kale ee soo hartayna aan u sameysanay jadwal aan ku bixino'' ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu danbeyntii, madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in arintan sababtay in Soomaaliya dib uga soo muuqato shirarkii waaweynaa ee caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya