4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2016
C/Rashiid Dahabshiil oo ku baaqay in qaarada Afrika la mideeyo

 Talaado, Nofeembar 22, 2016 (HOL)-Madaxa shirkada Dahabshiil C/Rashiid Ducaale (C/Rashiid Dahabshiil) ayaa sheegay in Afrika ay dhanka dhaqaalaha horumar ka gaari doonto hadii dalalku is taageeraan.

Wuxuu sheegay Mr. C/Rashiid in hadii sidaa la yeelo dadka dalalka qaarada oo dhami ay horumar gaari doonaan. Cabdirashiid ayaa hadalkaa oo markii hore uu yiri Uhuru Kenyatta oo ah madaxweynaha Kenya ayiday.

Uhuru ayaa ku baaqay in dalalka Afrika loo horumariyo si ka wanaagsan sida ay haatan yihiin ayadoo la adeegsanayo midnimo qaarada ideylkeeda oo dhan ah.

Mr. C/Rashiid wuxuu sheegay in Afrika ay beegsatay koboc dhaqaale oo weyn sababtuna ay tahay ganacsiga qaarada gudihiisa ah iyo ganacsiga qaaradu la leedahay dalalka dibada.

"Ka Afrikaan ahaan waxaan u baahan nahay inaan wada shaqeyno si aan dhaqaalaheena u dhisno ." Sidaa ayuu yiri Mr. C/Rashiid.

Asagoo ka hadlayay shir ka dhacay Uganda asbuucaan ayaa madaxweyne Uhuru asna sheegay in loo baahan yahay in xaduudaha Afrika la furo si dadka qaarada oo dhami u wada ganacsadaan.

Shirkada Dahabshiil ee xawilaada lacagaha ayaa ah shirkad kasoo askuntay Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya waxayna ku tillaabsatay horumar weyn tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]