4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
Dagaal culus oo galabta ka qarxay deegaan galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne

Isniin, November, 21, 2016 (HOL) -- Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyada labo bellood oo wadda dega gallabeed gobolka Hiiraan, ayaa galabta ka qarxay deegaan lagu magacaabo Doon-Maleyka 11km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne.

Sidda ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah & qaar ka mid ah waxgaradka beellaha dagaallamaya, iska horimaadka ayaa salka ku haya dilal siyaabo kala duwan uga dhacay deegaannada miyiga ah iyo gudaha magaalada Beledweyne, kuwaa oo dhamaantood salka ku haya colaada labada beellood.

Dagaalka ayaa lagu waramayaa in uu ku fiday deegaanno markii uusan gaarsiineyn taasoo keentay in ay halkaa isaga cararaan dadkii xoola dhaqatada ahaa ee ku noolaa.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo waxgaradka gobolka ayaa howlan siddii loo joojin lahaa dagaalka oo inta la ogyahay geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii magaalada lagu dillay ganacsade la sheegay in dilkiisa lala xiriirinayo siddoo kale qof kale horay maleeshiyaad ugu dilleen meel dulleedka ah magaalada,  iyadoo labada ruux ee la dillay ka soo kala jeedaan beelllaha dagaallamaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya