4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Maamulka Puntland oo Maanta ku dhawaaqay inuu is-casilay


Isniin, November 21, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland ee Nadaamka Axsaabta badan, Axmed Maxamed Cali (Kismaayo), ayaa Maanta Shaaciyay in uu iska-casilay xilka.

Axmed Kismaayo ayaa sheegay in warqaddiisa is-casilaadda uu u Gudbiyay Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo uu sheegay in uu ka aqbalay is-casilaadiisa.

Sidoo kale, Axmed Kismaayo ayaa sheegay in is-casilaadiisan aysan jirin mushkilad si gaar ah ugu riixaysa, wuxuuna tilmaamay inaysan jirin cid kale oo saamayn ku leh banaynta Xilkiisa blse uu baneeyay daruufo isaga u gaar ah.

Dhanka kale, Axmed Kismaayo ayaa Madaxweynaha Puntland uga Mahad-celiyay Aqbalaaddiisa shaqo ka tagidda iyo magacaabistiisa hore ee ka mid noqoshada xubanaha guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland.

Axmed Kismaayo ayaa ka mid ah Wariyaasha Rug-cadaaga ah ee ku nool Puntland,wuxuu horay uga so shaqeeyay muddo 13 Sano Laanta Afka soomaaliga ee BBC.wuxuuna markii uu ka tagay Agaasimaha ka noqday Puntlandtv oo markaa la,aas aasay,iyadoo Markii danbe uu xilka ka qaaday  C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca Kale,Xogo ay helayaan HOL Team ayaa sheegay in uu sii xoogaysanayo Khilaaf ka dhex-jira Gudiga KMG AH ee Doorashooyinka Nadaamka Axsaabta Badan ee Puntland ,kuwaaso Madaxweyne Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlmaanka Puntland ay so magacaaben Bishii labaad ee Sanadkan.

Ugu Danbayntii Ilo Lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in  Gudiga KMG ah Doorashooyinka Nadaamka Axsaabta Badan ee Puntland ay Haystaan Caqbado badan oo kaga imaanaya Siyaasiin  Mucaarad Qarson ah ,kuwaas oo  doonaya in doorashada 2019 ee  la filayo in Puntland ka dhacdo in ay dib ugu laabato Nadaamka codaynta Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 Xildhibaan.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]   
Garoowe, Puntland - Soomaaliya