4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
Dagaalo ka dhacay gobolka Hiiraan

Isniin, Nofeembar 21, 2016 (HOL)-Ilaa dhowr qof ayaa ku dhintay dagaalo u dhexeeya labo beelood kuwaasoo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dhammaan dhowrka qof ee dhintay ayaa ah dadkii dagaalamayay. Dagaalka ayaa u dhexeeya labo beelood oo wada daga gobolkaa oo aano kala tirsanaya isla markaana la sheegay inay dhul isku hayaan sidoo kale.

Dagaaladaa yaa soo socday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Shalay ayaa dagaaladaa aano lala xiriirshay waxaa loo dilay ganacsade caan ka ahaa Baladweyne kaasoo Allaha u naxariistee la oran jiray Bocor Axmed.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in lagu dillay galbeedka magaalada Beledweyne meel aan ka fogeyn suuqa weyn ee lagu kala iibsado xoolaha waxaana dilkiisa lala xiriirinayaa aargoosi salka ku haya colaada u dhaxeysa labada beelood oo wadda daga.

Labo maalmood ka hor rag hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay macalin dugsi duleedka dhinaca galbeed ee magaalada.

Walow dagaaladaa ay ka dambeeyeen kulamo lagu hishiisiinayay labada dhinac, hadana waxaa wali muuqata in aysan colaadii  labada beelood dhamaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]