4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
Jaamacadda JOBKEY iyo Shabakada Macalimiinta oo wadajir u xusay Maalinta Macalinka (SAWIRRO)

Isniin, November 21, 2016 (HOL) — Xaflad  lagu Maamuusayay, Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo ah 21-ka November oo si wadajir ah u soo Qaban-qaabiyeen Jaamacadda JOBKEY iyo Shabakadda Macalimiinta Soomaaliyeed STN (Somali Teachers Net-work), ayaa Maanta lagu qabtay xarumta Jaamcadda ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Macalinmiin, Daladaha Waxbarashada, Hay’adaha Samafalka, Bulshada Rayidka ah, Arday iyo Macalimiintii hore ee Soomaaliya qaar ka mid ah.

Ugu horreyn, Waxaa munaasabadda ka hadlay, Guddoomiyaha Shabakadda Macalimiinta Soomaalliyeed, Cali Sheekh Cabdi oo si weyn ugu dheeraaday taariikhda Macallinka Soomaaliyeed, Gaar ahaan xiliyadii Dagaalka Sokeeye lagu jiray, isagoo sheegey in macalimiinta Soomaaliyeed ay mudan yihiin in la abaal-mariyo maadaama ay soo shaqeeyeen waqti adag.

Sidoo kale, Waxaa xafladda lagu xusayey Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada SOFE, Aweys Sh. Cabdi oo isna sheegay in macalimiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ku nool daruufo adag loona baahan yahay in Dadka Soomaaliyeed ay u muujiyaan Ixtiraam gaar ah.

Xubnihii kale ee halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Cabdi Sataar Daahir oo ka mid ah macalimiintii hore ee Somalia oo ay ka muuqtey shacuur aad u sarreysa, ayaa ku Dheeraaday Xaaladda Macallimiinta Soomaaliyeed isagoo halkaa ka hadlaya waxaa uu yiri. “Dal Horumarkiisa waxaa laga gartaa sida ay Macalimiinta u soo saaraan sdiaa darteed Dalba dalka uu ka Macalimiin badan yahay waa ka horeeyaa gaar dhinaca adeegyada Guud ee Bulshadda  

Dhanka kale, Waxaa goobta lagu Xusayey Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ka hadley guddoomiyaha Jaamacada JOBKEY, Cabdi Casiis Caagane, isagoo sheegay in macalimiinta Soomaaliyeed weligood ay ahaayeen kuwa bulshada dhexdeeda ku leh maamuus iyo qaddarin, isagoo intaas ku daray in Maanta loo baahan yahay in loo soo celiyo qaddarintaas si macallinka uu dhiiri-gelin u hayo.

“Aad baan ugu faraxsan tahay in xus gaar ah loo sameeyo macallimiinta Soomaaliyeed oo uu sheegey in uu Bulshada Soomaaliyeed u hayaan Howl Muhiim ah gaar ahaan marka ay timaado Hurumarinta Bulshada waxaana u soo jeedinayaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in ay il gaar ha ku hayaan Macalimiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Caagane.

axamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya