4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
SAWIRRO: Roob-doon uu ka Qayb-galay Madaxweynaha Puntland oo Maanta ka dhacay Garoowe


Isniin, November 21, 2016 (HOL) — ALLE-bari Roob-doon ahaa ayaa maanta lagu qabtay dulleedka Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaddib markii ay dad badan ku cayroobeen abaarta sannadkan ku dhufatay qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay Puntland ka mid tahay, halka kuwo kalena ku dhinteen.

Madaxweynaha Puntland, C/wei Maxamed Cali, Wasiirro, Agaasimayaal, Odayaal, Wax-garad, Haween, Arday, Siyaasiin iyo qaybaha bulshada, ayaa ka qayb-galay Roob-doonka, kaasoo ALLE loga baryayay inuu abaarta uga dul-qaado dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Sidoo kale, Intii lagu jiray Roob-doonka, ayaa waxaa ka hadlay Culimmada, Isimo, Aqoon-yahan iyo Madaxda Puntland, kuwaasoo Dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu Saameynta ku yeesheen ugu duceeyey Dadka in ALLE  ka dul-qaado, Raxmaddiisana ugu deeqo.

Wasiirka Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac - ayaa Ummadda Soomaaliyeed ka dalbday inay is-cafiyaan, isku-naxriistaan, si uu RABBI ugu naxriisto uuna Raxmaddiisa u siiyo,

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ALLE ka baryay in uu Adoommadiisa siiyo Raxamaddiisa, Wuxuuna Soomaaliya u rajeeyay inuu is-beddel fiican uu ka hano-qaado Sannadkan.

Ugu dambeyn, Isku-soo-baxaan Roob-doonka ah, Waxaa soo xiray qaar ka mid ah Isimada iyo culummada Soomaaliyeed, kuwaasoo aad ugu duceeyay ummadda Soomaaliyeed, xilli ay cadceeddu kululayd.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]m  
Garoowe, Puntland - Soomaaliya