4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
Madaxweyne Obama oo sheegay inuu ka hadli doono haddii Trump uu Xad-gudub Sameeyo


Isniin, November 21, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka ee Xilka ka sii dagaya, Barack H. Obama ayaa sheegay in uu ka hadli doono haddii Donald Trump uu Sameeyay Waxyaabo liddiga ku ah Qiyamka bulshada Maraykanka marka uu xilka ku wareejiyo.

Obama, ayaa hadal uu jeediyay kaddib shirkii Dhaqaalaha ee Asia-Pacific ee ka dhacayay Dalka Peru, Mr Obama wuxuu sheegay in Donald Trump uu siin doono fursad ah inuu kala shaqeeyo Horumarinta Siyaasaddiisa.

Sidoo kale, Obama ayaa intaa ku daray inay qasab ku noqon doonto inuu hadlo haddii uu Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka uu qaado Tallaabo Qalqal-gelin karta Xorriyadda asaasiga ah ee ka jirta Mareykanka.

Madaxweyne Obama, ayaa xusay inuu Aaminsan yahay in Culeyska iyo mas’uuliyadda uu leeyahay Xafiisku ay ku qasbi doonaan madaxweynaha cusub ee Mareykanka in uu wax ka bedalo siyaasadiisa.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Trump ayaa xiligii uu ku jiray ololihiisa wuxuu sheegay inuu meesha ka saari doono heshiisyo badan oo uu ka mid yahay Heshiiska Ganacsi ee ka Dhexeeya Dalalka ku yaalla Badweynta Pacific-ka, Balse Obama ayaa ballan-qaaday in uu ka hortagi doono Arintaas.

axamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya