4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
Xeer ilaaliyaha Qaranka oo la wareegay baaritaanka shaqaaqadii ka dhacday Jowhar

Isniin, November, 21, 2016 (HOL) - Kaddib iska horimaad habeenimadii Jimacaha todobaadkii hore ka dhacay magaalada Jowhar, ayaa baaritaanka arintaa ku saabsan waxaa la wareegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir, sidda uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer federaalka.

Shaqaaqadan oo ka dhalatay muran la xiriira natiijada doorasho waqtigaa ka soctay magaalada Jowhar ayaa waxaa ku lug lahaa wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaradaha DF Max'ed Xassan Nuux, oo sidda la sheegay ka gadooday doorashada aqalka hoose ee beeshiisa, kaddib markii wareegii koowaad codad dheeraad ah uu hellay musharixii kale ee la tartamayay.

''Waxaa arintan u xilsaaran xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo kaashanaya laamaha ammniga, iyaga ayaan ka sugeynaa wixii natiijo ah ee ka soo baxa baaritaankooda, go'aanka laga qaadanayo markaa kaddib ayaan shaacin doonaa'' ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Avv Cumar Dhagey.

Iska horimaadka ayaa sababay in hakad la galiyo doorashooyinkii aqalka hoose ee ka socday magaalada Jowhar ilaa Arbacada nagu soo foolka leh oo la fillayo in la soo dhameystiro baaritaanka ku saabsan waxa keenay gacan ka hadalka ka dhashay doorashada.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa laga soo dooranayaa xubno ka mid noqonaya  aqalka hoose oo gaaraya 37 xildhibaan,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya