4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
Guddoomiyaha guddiga doorashada oo ka hadlay tirada xubnaha aqalka sare iyo hoose ee ilaa iyo hadda la doortay

Isniin, November, 21, 2016 (HOL) --Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer federaal Cumar Max'uud C/dulle [Cumar Dhagey] oo shir jaraa'id qabtay ayaa ka hadlay tirada xubnaha aqalka sare iyo hoose ilaa iyo hadda hadda la doortay, isaga oo intaa ku darray in tirada dhiman uu rajeynayo in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda xubnaha aqalka sare ee loo soo gudbiyay gaarayaan sidda uu hadalka u dhigay 43 xildhibaab, halka tirada aqalka hoose ee la soo gudbiyay dhan yihiin 112 xildhibaan.

Cumar Dhagey, ayaa sheegay in xildhibaannada labada aqal ee la doortay ka mid yihiin 20 haween ah, kuwaa oo qeyb ka ah ayuu yiri qoondada haween ee 30%,  isaga oo sheegay in arintani tahay guul u soo hooyatay umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu sheegay xarumaha maamul goboledyada dalka ka jira in ay si wanaagsan uga socdaan arimaha la xiriira doorashooyinka dalka.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha ayaa sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka looga baahan yahay in ay go'aan ka gaaraan cabashooyinka jirra, isaga oo intaa ku darray in guddigu awood u leeyahay baabi'inta natiijo doorasho oo horay u soo baxday, haddii la ogaado in doorashadaasi loo maray hab aan sharci aheyn,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya