4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2016
La-tuhunsaneyaal laga shakiyay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin oo Muqdisho lagu xiray

Isniin, Nofeembar 21, 2016 (HOL)-Ilaa 20 qof oo ah la-tuhunsaneyaal laga shakiyay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin ayaa waxaa ciidamada ammaanku ku xireen Muqdisho habeynkii Axadu soo galaysay.

Dadkaa ayaa lagu soo qabqabtay hawlgallo ciidamada ammaanku ka sameeyeen qeybo ka tirsan caasimada Muqdisho. Taliyaha booliska Banaadir, Bashiir Abshir Geedi ayaa saxaafada u sheegay in hawlgalka AMISOM ay ku weheliyeen ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Meelaha laga soo qabqabtay dadkaa ayaa waxaa ku jirta xaafada Xamar Jajab iyo degmada Waaberi ee Muqdisho.

Hawlgalka ayaa kusoo beegmay xilli doorashooyinka aqalka hoose iyo kan sare ay ka socdaan dalka doorashada madaxweynahana la filayo 30ka bishaan Nofeembar.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]