4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2016
Beesha Caalamka oo Walaac ka muujiyay Caga-juleyn ay Sheegeen in lagu hayo Musharraxiinta


Axad, November 20, 2016 (HOL) — Beesha Caalamka ayaa War-saxaafadeed ay Wadajir u soo saareen Maanta, ayaa waxay Walaac xooggan kaga muujiyeen ku-takri-fal, cadaalad-darro iyo caga-jugleyn ay sheegeen inay ka dhex-jirto doorashooyinka socda.

Haddaba, War-murtiyeedka oo ay wadajir ay soo saareen; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ururka IGAD iyo Dowladaha Mareykanka, Itoobiya, Talyaaniga, Britain iyo Sweden, ayaa wuxuu u Qornaa sidan;

Saaxiibada Caalamka, sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka, Waxay ugu baaqeen Xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran ee Somalia inay Awoodooda u adeegsadaan si ay uga hor-tagaan falalka ku-takri-falka iyo cadaalad-darrada ka dhaca doorashooyinka, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Caga-jugleyn lagu hayo Musharraxiinta, Liisaska Ergada iyo Musharraxiinta oo isbedello lagu sameeyo, iyo adeegsiga ciidanka Amaanka iyo hantida kale ee dowladda si musharax baarlamaan si cad loogu taageero, isla markaana looga hor-mariyo musharrax kale.

Saaxiibbada Beesha Caalamku, waxay Hay'adaha Soomaaliya iyo Gaar ahaan Guddiyada Doorashada ee dalku leeyahay ugu hambalyeynayaan Horumarka illaa hadda laga gaaray Doorashada labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka ee soo socda. Codeyn ayaa loo qabtay 43-kursi oo ka mid ah 54-ka Kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Waxaa sidoo kale la qabtay Doorashada 112 kursi oo ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka.

Waxaa muhim ah in Baarlamaanka cusub iyo Dowladda Federaalka Somalia ee soo socota lagu soo doorto si waafaqsan Xeerarkii Hoggaanka Madasha Hogaganka Qaran ay horay u dajiyeen, ayna Hir-geliyaan Guddiga Federaalka ee Doorashooyinka Dadba (GFHDD) iyo Guddiyada maamul Goboleedyada dalka (GDGHDD). Sharciyada iyo xalaalnimada dhabta ah iyo sida Hannaankaan loo arko ayaa muhiim u ah in la Aqbalo, Laguna Kalsoonaan karo Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka ah ee soo socda.

Sidoo kale, Beesha Caalamku waxay hoosta ka xariiqaysaa muhimada ay leedahay shaqada Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee (HXKHDD) oo dib u eegid ku sameynaya Cabashooyin badan ee ka soo gaaray Musharraxiinta diiwaan-gashan si ay qof - qof ugu qiimeynaya in la rumeysan karo Cabashooyinkoodaan. Waxayna Aqoonsan tahay kaalinta Mugga leh ee ay Oday-dhaqameedyo badan ka cayaarayaan Xallinta khilaafaadka u dhexeeya Beelaha dhexdooda.

Waxaa arrin lagu farxo ah; in bannaanka lasoo dhigay Qaladaad badan oo jiray lana saxay. Si kastaba ha ahaatee, saaxiibadu waxay aad uga Wel-welsan yihiin dhacdooyin heerkoodu sarreeyaan oo la iska dhega-tiray. Waxaana ka mid ah; Musuq-maasuq, cod-iibsasho, caga-juglayn loo geysto Musharraxiinta ergada, odayaal-dhaqameedyada iyo Dad kale.

Beesha Caalamku, waxay walaacooda la wadaagayaan madaxda ku habboon oo ay ka mid yihiin; Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada. Waxayna si buuxda u Taageerayaan Go’aannada ay Guddiyada GFHDD iyo HXKHDD ku Hakiyeen Codaynta Kursi gaar ah ama musharrax guulaystay oo la reebay, iyadoo la cuskanayo cadeymo xaqiijinaya cabasho ku aadan wax is-daba-marin halis ah oo la xiriirta geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, Beesha Caalamku Waxay ku boorrinayaan; GFHDD iyo GDGHDD in ay u Hoggaansamaan Waajibaadyadooda Shaqo, iyagoo Daah-furnaanta iyo Isla-xisaabtanka eegaya. GDGHDD waa inay Waqtiga loogu talo-galay u soo gudbiyaan GFHDD Liisaska Ergada iyo Musharraxiinta, qoondada u ah gaarka Haweenka ah iyo Natiijada cod-bixinta hordhaca ah. GFHDD, Waa inuu Daabacaa liisaska Musharaxiinta Baarlamaanka ayna sii faafiyaan.

“Geeddi-socodka Doorashada si aad uga wanaagsan ayuu u socdaan, taasoo ah sidii ay dad badan Saadaalinayeen Lix bilood ka hor. Arrinta waxaa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun haddii dhacdooyinka ku-takri-falka, sharci-jebin & anshax-xumada ay dhaawacaan guushii ballaarnayd ee la gaaray,” ayuu yiri Ergeyga QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating.

Ugu dambeyn, Ergayga ayaa Hadalkiisa kusoo Gunaanaday, “Waxaa lagama maarmaan ah in HXKHDD uu baaritaan ku sameeyo War-bixinnada lagu kal-soonaan karo ee ku saabsan ku-xad-gudubka xeerararka iyo nidaamyada geeddi-socodka Doorashada iyo in Tallaabada ku habboon la qaado si loo ilaaliyo sharciyadda geeddi-socodka.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya