4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2016
PUNTLAND: Maxkamad Xukunno ku Riday Dad ku eedeeysnaa inay ka Tirsan yihiin Daacish


Axad, November 20, 2016 (HOL) — Maxkamadda Ciidamada Puntland oo ay Xarunteedu tahay Boosaaso, ayaa maanta xukunno dil toogasho iyo Xabsi isugu jira ku ridday shan qof oo ku eedeysan inay ka tirsanaayeen ururka Daacish ee dagaallada kawada qaybo Puntland ka tirsan.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka Puntland, Col. C/fataax Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedeysanaya ay qirteen dambigii lagu soo eedeeyay, Waxaana ay Maxkamaddu laba ka mid ah eedeysanayaashan ku xukuntay Dil Toogasho, iyadoo Labada kalena lagu xukumay xabsi daa’in iyo wiil oo aan Qaan-gaar ahayn ay Amar ku bixiyeen in Wasaaradda cadaaladda Puntland.

“Maxkamaddu markay dhageysatay Xeer-ilaalinta iyo Qirashada eedeysanayaasha, Waxay maxkamaddu Dil Toogasho ku xukuntay Axmed Aadan C/llaahi Ow-Cabdi oo 26-jir ah iyo Cabdullaahi Maxamed Aadan Cabdi oo 22-jir ah,” ayuu yiri Col. C/fataax Xaaji.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay, In Saalax Xuseen Ibraahim Miidoow oo ah 25-jir iyo C/fataax Jamaal Cabdi oo 19-jir ah lagu xukumay Xabsi daa’in ama madaxaa-ha-ku-furto ah.

“Farxaan C/llaahi Faarax oo aan ahayn Qaan-gaarin, isla markaana Sharcigu uusan ogoleyn in la Xukumo, Xabsigana aan lagu sii hayn karin, Maxkamaddu Waxay Amar ku bixisay in lagu Wareejiyo Wasaaradda Cadaaladda Puntland, si ay dhaqan-celin ugu sameyso,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Cabdifataax Xaaji Aadan.

Dhanka kale, Maxamuud Cawad Cumar oo ahaa Qareenkii u doodayay Raggaan maanta ay Maxkamadda Ciidamada Puntland xukunnada kala duwan ku ridday oo Warbaahinta hadal siiyay, ayaa sheegay in uusan ku Qanacsanayn Xukunnadaan, isla markaana uu Qaadanayo rafcaan oo dacwadda uu u wareejiyo Maxkamadda Sare ee Puntland.

Waa markii labaad oo Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay xukunno isugu jira Dil toogasho iyo Xabsi daa’in ku Riddo eedeysanayaal la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Daacish. Waxaana Xukunka maanta la sheegay in laga qaadan karo Rafcaan muddo soddon maalmood gudahood ah.

Ugu dambeyn, Maxkamadda ayaa sheegtay in Saddex ka mid ah afarta ruux ee ay dilka iyo Xabsiga dheer ah ku Xukuntay ay ku Dhasheen; Gobollada Bay iyo Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya oo ka tirsan deegaannada Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya