4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2016
SAWIRRO: Shil Tareen oo in ka badan 100-ruux ay ku dhinteen oo ka dhacay Waqooyiga Hindiya

Axad, November 20, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 110-qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 150-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii Tareen kuwa dheereeya ah oo ay ku safrayeen uu maanta ku Qallibmay Waqooyiga Dalka Hindiya.

Tareenka, ayaa kasoo ambaxay magaalada Indore ee bartamaha Dalkaas, isagoo ku socday Magaalada Patna oo ku taalla Bariga Dalka Hindiya, Waxaana uu ka baxay Khadka mar uu marayay meel u dhaw Magaalada Kanpur ee Gobolka Uttar Pradesh.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in dadkii la socday Tareenkan ay jiifeen intooda markii uu Shilkani dhacayay oo ahayd Saakay Aroortii hore. Iyadoo kooxaha Gurmadka ay dadaal ugu jiraan sidii ay Dad ku hoos jira burburka u soo bixin lahaayeen.

Tirada dhimashada, ayaa laga baqdin-qabaa inay ka badato tirade la shaaciyay oo ka badan boqol qof, maadaama ay jiraan dad weli ku hoos jira bur-burka tareenka oo ahaa mid aad u dheer.

Dhanka kale, Wasiirka Tareenada ee dalka Hindiya, ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo waxa sababay Shilka Tareenkan. Iyadoo Xukuumadda New Dalhi ay shaacisay qorshe lagu casriyeynayo Tareennada, waxaana tallaabadan ay ka fajacin doontaa dad badan.

Pratap Rai oo ka mid ah Saraakiisha Tareennada India oo la hadlay Warbaahinta Caalamka ayaa sheegay in ehellada rakaabkii la socday tageerkan ay isku dayayaan inay dhex-galaan burburka si ay ehelladoodii nolol iyo geeri u baadi-goobaan.

“Waxaanu Isticmaali doonnaa Hannaan kasta oo aan ku bad-baadinayno kuwa weli nool ee burburka ku hoos jira, inkastoo ay adag tahay in la helo Rakaab weli nool,” ayuu hadalkiisa ku daray Pratap Rai.

Ugu dambeyn, Shilalka Tareennada ee ka dhaca Hindiya ayaa si aad ah u kordhiyay tan iyo Sannadkii 2005-kii, iyadoo boqollaal qof ay kasoo gaarto khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya