4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2016
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia oo Jowhar kula kulmay Madaxweynaha Hir-shabeelle

Axad, November, 20, 2016 (HOL) -- Danjiraha QM ee Soomaaliya Micheal Keating iyo wafdi uu hoggaaminayo oo barqanimadii maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa kula la yeeshay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble  iyo xubno ka tirsan guddiga doorashada heer dowlad gobolleed.

Gaar ahaan kulanka dhaxmaray Micheal Keating iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa looga hadlay siddii loo dardargalin lahaa doorashada aqalka hoose, iyadoo lagu dhaqamayo sharuucdii doorasho ee horay loogu go'aamiyay kulamadii madasha-wadda-tashiga.

Waxaa uu kula dardaraamay mas'uuliyiinta maamulka Hirshabeelle, in si gaar ah isha loogu hayo dhameystirka qoondada haweenka ee 30% inta ay doorashada socto.

Waxaa socdaalkiisa Jowhar ku wehlinayay Micheal Keating  wakiilka Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya.

Wafdiga ayaa dhinaca kale kulan la qaatay guddiga doorashada heer gobol, iyaga oo kala hadlay shaqaaqadii dhowaan dhacday degmada, waxaa ay isla garteen muhimada ay leedahay in la adkeeyo nabad-galyada.

Isla maanta  waxaa gaaray magaalada Jowhar wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal Avv, Cumar Dhagey oo ay wehliyeen Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

Ugu danbeyntii, doorashadii Aqalka Hoose ayaa lagu wadaa in dib loo bilaabo maalinta Arbacada, kaddib markii Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya