4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2016
Booliska Mandheera: waxaanu ka hortagnay weerar argagixiso

 

Axad, Nofeembar 20, 2016 (HOL)-Booliska Mandheera ee Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegay inay baajiyeen weerar argagixiso.

Waxay sheegeen inay weeciyeen weerarkaa kadib markii dabley weerarkaa maaganeyd ay ku weerareen degmo-hoosaadka Ceelwaaq oo isla degmada Mandhera ka tirsan.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia in ciidamo ay weerareen koox ka tirsan Al-Shabaab 6dii aroornimo ee shalay.

“Subixii 6da aroornimo ayaan warka helnay; ciidamada ayaa ay is arkeen sideeda saac meesha la dhaho Qoble , Dabacity  jidka Kutulo iyo Ceelwaaq'. Fredrick Shisia.

Intaa kadib wuxuu sheegay in kooxdii carartay oo wax is rasaaseyn ah aysan dhicin.

Si kastba ha ahaatee wuxuu sheegay in ay soo heleen hub iyo agab kale oo ay ka carareen kooxdaasi.

Wuxuu sheegay in ay damacsanaayeen dableydaasi inay weerarto basaska jidkaa mara balse ay carareen markii ay ciidamada arkeen.

Degmada Mandheera ayaa waxaa qeybo ka tirsan gaar ahaan magaalada Mandheera saaran bandow habeynkii ah oo ammaanka lagu xoojinayo kadib markii dhawaan weeraro lagu qaaday dad shacab ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]