4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2016
Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban iyo taliyayaal ciidan oo goor dhaw gaaray Jowhar

Axad, November, 20, 2016 (HOL) -- Waxaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya iyo taliyayaasha ciidammada nabad-sugida iyo booliiska Soomaaliyeed.

Wafdiga oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashada Cumar Dhagey ayaa waxaa ka mid ah taliyayaasha ciidammada booliiska iyo nabad-sugida Jen Max'ed Sheekh Xassan Xaamud iyo C/llaahi Gaafoow Max'uud, oo halkaa ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Wafdigan ayaa u tagay magaalada Jowhar xal u hellida shaqaaqadii ka dhalatay doorashada, taa oo sababtay in gabi ahaanba ay istaagaan doorashooyinkii aqalka hoose ee ka socday magaalada Jowhar.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaa ay ka socdaan kulamo ay leeyihiin wafdiga halkaa tagay iyo mas'uuliyiinta maamulka Hirshabeele, guddiga doorashada heer gobol iyo musharixiinta u taagan ka mid noqoshada aqalka hoose.

Ugu danbeyntii, gudiga doorashooyinka dadban ayaa maalin ka hor soo jeediyay in la hakiyo doorashada magaalada Jowhar, walow maanta gudiga doorashooyinka heer maamul Hirshabeelle ay sheegeen in Arbacada doorashada dib u bilaabaneyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya