4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2016
Tababare Kooxda Manchester United Jose Mourinho oo sheegay in Kooxdiisa ay nasiib xun tahay


Axad, November 20, 2016 (HOL) — Tababaraha kooxda Man United Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa ay tahay tan ugu nasiibka xun horyaalka Premier League ee wadanka Ingiriiska.

Manchester United waxaa shalay laga hor istaagay guul ay ka gaari lahayd Arsenal oo Old Trafford marti ku ahayn ka dib markii Giroud oo bedel ku soo galay uu gool ka dhaliyay daqiiqadii 89-aad.

Goolkiisa Giroud - Wuxuu Cayaarta ka dhigay Barbar-dhac ka dib markii bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta uu gool Man U u dhaliyay Juan Mata.

Bareejadaasi waxay United uga dhigan tahay inay guuleysteen hal ciyaar oo keli ah, lixdii kullan ee ugu dambeysay.

Mourinho ayaa yiri: "Waxba kama sheegaayi ciyaartoydeyda, laakiin waxaan ku leeyahay waan ka xumahay sababtoo ah anaga waxaan dareemeynaa inaan guul dareysanay, Arsenal na waxay dareemayaan inay guuleysteen."

Wuxuu intaa ku daray: "Haddii aan eegno barbaro la galnay Burnley, Stoke iyo Arsenal - waa sagaal dhibcood ee si fudud nooga fakatay. Haddii aan heli lahayn lixdaas dhibcood waxaan hadda ku dhowaan lahayn afarta koox ee ugu sareysa horyaalka."

"Dhamaanteen waan ognahay hadda inaan nahay kooxda ugu nasiibka xun horyaalka dalka Britain ee Premier League," ayuu sii raaciyay hadalkiisa, macallim Mourinho.

Ugu dambeyn, Man United Waxay ku jirtaa Kaalinta Lixaad ee horyaalka, Waxay Siddeed dhibcood ka hooseysaa kooxaha Hoggaanka hayso ee Liverpool iyo Man City, Seddaxaad iyo afaraadna waxaa ku jira Chelsea iyo Arsenal.

XIGASHO: BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya