4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2016
SHARIIF XASAN: Diyaar ayaan u nahay inaan qancino cid kasta oo doorashada ka Cabanaysa


Axad, November 20, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu la hadlo cid walba oo tabasho ka qabta arrimaha doorashada, isla markaana ay qanciyaan.

Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in shacabka ku nool degaannada Koonfur-galbeed ay doorashooyinkooda ku qancaan, Shacabkana si wanaagsan sharci iyo kala dambeyn ah loogu shaqeeyo.

“Cid kasta oo cabasho ka qabta Doorashooyinka waa la Fariisanaynaa Waana qancinaynaa, maamul ahaanna - waxaan diyaar u nahay in aan Shacabkeena ka qancinno cabasho kasta oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka,” ayuu yiri Shariif Xasan oo War-fidiyeennada kula hadlayay Magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, Shariif Xasan ayaa xusay in Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baydhabo ka socda ay ku socdaan sidii loo baahnaa, Wuxuuna xusay inay jiraan caqabado ka jira dhanka Ergooyinka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo uu sheegay inaysan weli imaan.

Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay isla markaana ah ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur-galbeed - ayaa waxaa ka socota doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya