4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2016
Qarax ay khasaare kasoo gaartay askar ka tirsan Ciidanka Booliiska DF oo ka dhacay Muqdsho


Axad, November 20, 2016 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somalia ka tirsan ayaa ku geeriyooday, toddoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray Qarax miino oo goor-dhaw ka dhacay agagaarka bacadlaha Degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa miino goobta lagu sii aasay, isla marakana lala beegsaday ciidammo ka tirsan booliiska gobolka Banaadir oo ku sugnaa kasoo horjeedka bacadlaha.

Sidoo kale, goobtan ayaa la sheegay inay ahayd goob ay ciidamada booliisku isugu yimaadaan xilliga ay ku jiraan hawl-gallada lagu sugayo amniga, iyadoo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay.

Dhanka kale, ciidammo ka tirsan kuwa booliiska Somalia ayaa goobta tagay, iyagoo ka billaabay baaritaanno, inkastoo aysan jirin cid ay kusoo qabteen baaritaannadooda.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu imaanayaa xilli Muqdisho lagu wado in ay dhawaan ka dhacdo doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose, gaar ahaan xubnaha kasoo jeeda Banaadir iyo Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya