4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2016
DANJIRE KEATING: Doorashada Aqalka Hoose Waa Muddo in 10 Casho ah lagu soo Gunaanado


Axad, November 20, 2016 (HOL) — Wakiilka QM ee Somalia, Micheal Keating ayaa ugu baaqay Maamul-goboleedyada dalka in ay Dar-dar-geliyaan Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee ka socota xarumahooda, isagoo soo dhaweeyay sida ay Doorashadu ku socoto.

Danjire Keating oo War-fidieenka kula hadlayay Magaalada Baydhabo, kaddib kulan Gaar ahaa oo uu la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu ugu baaqay in la dhameystiro Xubnaha ka haray Aqalka Hoose ee Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

“QM, Waxay diyaar u tahay inay Gacan ka geysato fududeynta Doorashada Aqalka Hoose, illaa hadda 26 kursi lagu doortya Baydhabo, Waxaana dhiman kuraas kale. Sidaas awgeed, Waxaan Mas’uuliyiinta ugu baaqayaa in ay dar-dar-geliyaan doorashada, si howlaha doorashooyinka loo dhameystiro,” ayuu yiri Danjire Micheal Keating.

Ergayga, ayaa intaas ku daray inuu ugu baaqayo Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hirs-habeelle inay muddo toban maalmood ah kusoo dhameystiraan Doorashada Xildhibaannda Aqalka Hoose ee Soomaaliya.

“Maamullada dalka ka jira, waxaan ugu baaqayaa inay 10-maamood kusoo dhameystiraan xubnaha Aqalka Hoose,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjiraha oo intaas raaciyay inaanay dib u dhac kale ku imaan doorashada.

Dhanka kale, 23-ka November oo ay naga xigaan maalmo ayr ayaa waxay ku began tahay illigii loo qabtay in la doorto Guddoonka Baarlamaanka FS ee cusub, waxaana muuqata in mudaddaas inaysan ku qabsoomi karin.

Ugu dambeyntii, Doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa ku beegan isla 30-ka bishan November, Laakiin waxaan la ogeyn inay dib uga dhici doonto iyo in kale, inkastoo dadaal loogu jiro inay waqtigeeda ku qabsoonto.

Si kastaba ha ahaatee, Ergayga QM ee Arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo habeen ka hor at ka dhaceen iska-horimaadyo salka ku haya doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Hir-shabeelle.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya