4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2016
Shirkada Facebook oo shaacisay inay ku dadaaleyso sidii loo joojin lahaa wararka been abuurka ah


Mark Zuckerberg


Axad, Nofeembar 20, 2016 (HOL)-Agaasimaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa shaaciyay tillaabooyin looga hor tagaayo wararka been abuurka ah ee bartaa dadka qaarkii ay ku baahiyaan.

Mark Zuckerberg ayaa sidaa sheegay shalay Sabtidii ayadoo dhawaan Barack Obama sheegay in wararka aan saxneyn ee lagu baahsho baraha bulshada ay dhibaato ku yihiin hayadaha dimoqraadiga ah.

“Xog aan saxneyn aad ayaanu uga feejiganahay.” Zuckerberg ayaa sidaa soo qoray shalay. “Waxaanu ogsoon nahay in dadku doonayaan xog sax ah'.

 Wuxuu intaa raaciyay in dhibaatadaa wax ka qabashadeeda ay muddo dheer asaga iyo shaqaalaha shirkadiisu ka shaqeynayeen.

Zuckerberg wuxuu sheegay in bulshada ay warsan jireen inay u sheegto warka saxan iyo kan qaldan.

Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha Facebook Mark Zuckerberg wuxuu sheegay in in ka badan 99% waxa dadku ka daalacdaan Facebook ay yihiin sax.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]