4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2016
Madaxweynaha Uganda oo amray in albaabada loo xiro jaamada Makerere

Arbaco, November, 02, 2016 (HOL) -- Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa markii ugu horeysan amar ku bixiyay in albaabada loo laabo  jaamacada Makerere oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn guud ahaan marka la eego qaarada  Afrika.

Madaxweyne Museveni ayaa ku macneeyay amarkan lagu xiray jaamacada sababo la xiriira sidii amniga loo ilaalin lahaa.

Waxaa jiray dibadbaxyo rabshad0 wata oo ka dhacay xarunta Jaamacada Mekerere kadib markii ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen macalimiinta jaamacada.

Gaar ahaan waxaa dibadbaxyadan dhigayay ardeyda iyagoo dalbanayay in waxbarashadoodii dib loogu bilaabo maadaama ay bixiyeen lacagihii fiiga ah ee loogaga baahnaa.

Macalimiinta jaamacada ayaa waxaa ay dalbanayaan in la siiyo mushaaraadkooda iyadoo shan bilood aysan qaadan mushaaraadkooda. Waxaana ka sii horeeyay in lacago lagu kordhiyay lacagta ay ardayda ku dhigtaan jaamacada.

Jaamacada Mekerere ayaa waxaa wax ku soo bartay dad badan oo mas’uuliyiin ka noqday dalal ka mid ah qaarada Afrika.

Ugu danbeyntii waxaa xusid mudan in wasaarrada waxbarashada dalkaUgada ay wasiir ka tahay marwada madaxweynaha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya