4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
SAWIRRO: Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir oo lagu soo dhaweeyay Dalka Koonfur Afrika

Arbaco, November 02, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa kaga qayb-galay dalka Koonfur Afrika shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Durban, isagoo markaas kaddibna u gudbay Magaalada Johannesburg, Halkaas oo Jaaliyadda Soomaaliyeed qaarkood iyo madaxda hey’adda Universal Relief Foundation ee fadhigeedu yahay dalka Koonfur Afrika ay kusoo dhaweeyeen.

Dr. C/risaaq Dalmar, ayaa tagay Xaafadda at Soomaalidu deggen tahay ee Mayfair, isagoo booqday goobaha Waxbarashada Sida; Dugsiga Hoose, Dhaxe iyo Sare ee Cumar Faaruuq iyo Dugsiga Miftaacul Culuum oo ay Caruurta Soomaalidu wax ka bartaan.

Waxaa uu gaaray Gudoomiye Dalmar xaafada Soomaalidu dagan tahay ee Mayfair, isagoo booqday goobaha waxbarashada ee kala ah Dugsiga hoose dhaxe sare ee Cumar Faaruuq iyo waliba Dugsiga Miftaacul culuum oo ay wax ku bartaan caruurta qoysaska Soomaalida ah ee halkaas degan.

Ardayda wax ka barata Dugsiyadan ayaa si diiran u soo dhaweeyay Dalmar iyagoo sameeyay dhoolatusyo ay ku soo bandhigeen qaabka wax loo baro iyo sida loogu dadaalay waxbarashooda, waxaana Prof. Dalmar uu u mahad celiyay Macalimiinta iyo Maamulka Hey’adaan, isagoo ardayda ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaha ay heystaan, kuna dedaalaan waxbarashada si ay mustaqbal wanaagsan u yeeshaan.

Maamulaha Hay’adda Universal Relief Foundation Sh. Maxamed C/raxmaan Abuukar ayaa warbixin ka siiyay Prof. Dalmar xaaladaha waxbarasho ee ay wax ku baraan carruurta iyo guulaha ay gaareen intii ay wadeen howshan.

“Baahida keentay in hey’aaddan aan aasaasno waxay aheyd maadaama aan ku nool nahay dal ay joogaan dad kala duwan oo muslimiin ay ku jiraan, sidaa darteed waxaana go’aansanay waxbarashada inaan gaarsiino shacabka kala duwan ee halkan nagula nool, waxaa sidoo kale hey’addan ay bixisaa gargaar la siiyo dadka masaakiinta ah, xafiis labaad ayaan ka furan doona magaalada Muqdisho” ayuu yiri Shiikh Maxamed.

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Johansberg ayaa sidoo kale munaasabad soo dhaweyn iyo casho sharaf ahayd u sameysay Guddoomiye Dalmar, waxaana ka qeybgalay qeybaha kala duwan bulshada aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Prof. Cabdirisaaq Dalmar oo kulankaas khudbad ka jeediyey ayaa dhankiisa Jaaliyadda warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalkii hooyo ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horumaro badan ay ka jiraan isla markaana Jaaliyadda looga baahan yahay inay qeybtooda ka qaataan.

“Wadanka waxaa ka jira horumaro badan, waxaa laga yaabaa inaad warbaahinta ka aragtaan dhanka xun ee dalka oo kali ah, laakiin qofkii jooga ama yimaada waxaa uu arkayaa xaqiiqda ka jirta iyo horumarada uu gaaray oo ka mid tahay Caafimaadka, Waxbarashada, ganacsiga bilicda magaalada iwm” ayuu yiri Prof Cabdirisaaq Dalmar.

Waxaa sidoo kale Prof. Dalmar uu Jaaliyada warbixin gaar ah ka siiyey ujeedada loo aasaasay iyo horumarka ay ku talaabsatay Jaamacada Banaadir iyo weliba  marxaladihii ay soo martay, wuxuuna xusay in mudadii ay jirtay ay soo saartay Jaamacaddu kumanaan aqoonyahan oo bartay laamaha kala duwan ee cilmiga.

“In ka badan 550 dhaqtar ayaa ka mid ah aqoonyahanada ay jaamacaddu soo saartay, kuwaasoo hadda ka shaqeeya magaalooyinka wadanka iyo dalka dibediisa, kuwaasoo wax badan ka qabtay horumarinta Caafimaadka bulshada” ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacada Banaadir.

Dr. Dalmar ayaa sidoo kale ka warbixiyey waxqabadka hay'adda samafalka ee Al-Nuur (Al-Nur Foundation of Somalia) oo isagu uu gudoomiye u yahay, wuxuuna xusay in hay'addan ay dalka shaqaynaysay muddo ka badan 20 sano, gobollo badana ay ka fulisay daawayn iyo qalliimo indhaha oo lacag la'aan ah, kuwaasoo ay ka faa’iideysteen kumanaan qof oo danyar ah.

Ugu dambeyn, Waxaa kulankaan ka hadlay xubno isugu jiray; Ganacsato, dhalinyaro iyo waxgarad ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee dalka koonfur Afrika, iyagoo uga Mahad celiyey gudoomiyaha jaamacada Banaadir booqashada uu ku joogo dalka koonfur Afrika, iyagoo warbixin buuxda ka siiyay Xaalada Soomaalida ku nool Waddanka Koonfur Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya