4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
DR. AXMED CALI DAAHIR: Maxaabiis badan oo Soomaali ah ayaa ku Xiran Caalamka oo Dhan


Arbaco, November 02, 2016 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxaabiis ka badan 1,000 qof oo Somali ah ay xiran yihiin xabsiyo ku yaalla 22 waddan oo caalamka ku kala yaalla.

Dr. Axmed Cali, ayaa Xusay in Maxaabiistan Soomaaliyeed, aysan haysan cid u Doodaysa, isla markaana lagu xukumo xabsiyo dhaadheer, Wuxuuna ka codsaday madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Bulshada Soomaaliyeed in ay iska-kaashadaan sidii loogu Gurman lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed.

“Maxaabiis Soomaaliyeed oo tiradoodu ay gaarayso 1,220-qof, ayaa waxay ku xiran yihiin 22 waddan oo caalamka ku yaalla, kuwaasoo dhamaantood loo haysto burcad-badeednimo, Hindiya oo kaliya ma aha ee waa 22 Dal, Sida; Seychelles, Malta, Kenya, Iiraan, Baxreyn, Cuman, Imaaraadka, Filipin Japan, Vietnam, Mareykanka iyo waddamo kale oo caalamka ah ayay xiligan ku xiran yihiin, dadkaas annaga naga sugayaan inay cadaalad helaan,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xeer-Ilaaliyaha ayaa intaas ku daray. “Dadkaas Soomaaliyeed intooda badan inay Burcad-badeed yihiin ayaa loo xukumaa, Xuquuq ma leh, Garyaqaano looma qabto, ismana-difaaci karaan, Markhaati looma keeno, Waxaana lagu xukumaa Xabsiyo u dhexeeya 15-sano illaa 20-sano, waana cadaalad-darro.”

Ugu dambeyn, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Xusay in Muhiimadu tahay inay Maxaabiistan helaan cid u doodda oo Xuquuqdooda difaacda, Sidoo kalena kuwa la xukumay ay Xabsiyo leh nolol wanaagsan helaan, Isagoo hadaliisa ku daray inay kuwa liita maxaabiistaan yihiin kuwa ku xir-xiray Dalka Hindiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya