4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
Taliyihii Ciidamada Hawl-galka QM ee ku sugan dalka Koonfurta Suudaan oo shaqadii laga eryay


Arbaco, November 02, 2016 (HOL) — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa shaqada ka eryay taliyihii ciidanka nabad-ilaalinta QM [UNMISS] ee ka Hawl-gala dalka Koonfurta Suudaan.

Taliyaha la eryay, ayaa lagu eedeeyay in ciidamada uu hoggaamiyo ay ku guul-darreysteen inay bad-baadiyaan dad shacab ah oo lagu weeraray xero ay leedahay Qaramada Midoobey bishii July ee Sannadkan 2016-ka.

Dadweynihii ku sugnaa xerada, ayaa waxay ku eedeeyeen Ciidamada Qaramada Midoobay inaysan ka difaacin ciidanka Dowladda Koonfurta Sudan oo weerar kusoo qaaday xeradaas oo ay ka dhiganayeen gabbaad dad rayid ah oo dagaallada ku dalkaas barakacay.

Sidoo kale, inta la og-yahay 73 ruux ayaa lagu dilay dagaallo muddo maalmo ah ka socday magaalada Juba ee caasimadda dalka South Sudan, kaddib markii ay isku dhaceen Xoogag taabacsan hoggaamiyaha mucaaradka Waddankaas iyo Ciidamada Xukuumadda Dalkaas.

Baaritaan ay QM ku sameysay falkaas ayaa lagu ogaaday in dhibaatada ugu weyn ay ahayd hoggaan-xumi haysatay ciidamadeeda nabad ilaalinta, taas oo sababtay Jah-wareer iyo in la difaaci waayo dadka rayidka ah.

Dadka rayidka ah ee dalkaas, ayaa waxaa aad u saameeyay colaadda u dhexeysa ciidamada Dowladda iyo kooxaha mucaaradka, Waxaana rayidka ay dhibaatada kasoo gaartay ka mid ah kuwo kasoo cararay guryahooda oo Magan-galay xero ay leedahay Qaramda Midoobay.

Ciidamada Nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu eedeynayaa inay kasoo bixi waayeen waajibaadkooda, ayna ka baxeen xeryahooda, iyagoo ku guul-darreystay inay ka Hor-tagaan bililaqo loo gaystay xarun QM ay dalkaas ku leedahay.

Dhanka kale, Shaqaalaha Hay’adaha Gargaarka ayaa sheegaya in Ciidamada ay sidoo kale diideen inay u soo Gurmadaan kaddib markii lagu soo weeraray xarunta ay ku sugnaayeen shaqaalaha samafalka ee caalamiga ah.

Warbixinta Qaramnada Midoobay, ayaa sheegaysa in Ciidamadeeda ku sugan South Sudan aysan la hayn Hoggaan mideysan, taasoo sabab u ah jah-wareerka haatan taagan.

Ugu dambeyntii, Ban Ki-Moon ayaa sheegay inuu si aad ah uga xumaaday in lagu ogaaday dhacdadan baaritaan la sameeyay, Wuxuuna dalbaday in shaqada laga eryo Taliyaha Guud ee Ciidamada QM ee ku sugan Waddanka Koonfurta Suudaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya