4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
Mareykanka oo war-murtiyeed ka soo saaray dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta

Arbaco, Nofember 02, 2016 (HOL)-Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maanta war murtiyeed soo saartay kaasoo ay ku taageereyso maalinta caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro ha arkin ha maaqlinta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

" Maalinta caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro ha arkin ha maaqlinta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ayada oo ay tahay ayaa dawlada Mareykanku sharfeysaa ragga iyo dumarka warbaahinta Soomaaliya oo inkastoo cagajugleyn iyo dhibaato jidho siiya warar iyo xog dadka Soomaaliyeed'. Sidaa ayaa lagu yiri warkaa.

'Dawlada Mareykanku waxay salaan sare u taageysaa dhiiranaanta saxafiyiinta Soomaaliyeed oo naftooda u khatar gasha adeegsiga xaqa ay u leeyihiin xaquuqda hadalka ayagoo ku hadlaya magaca dadka Soomaaliyeed'.

Waxaa dawlada Mareykanku sheegtay inay ka dalbeyso dawlada Soomaaliya inay qaado tillaabo lagu soo afjarayo ha maqlin ha arkinta dhibaatada lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliya.

'Waxaanu ku taageereynaa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud baaqiisa lagu badbaadinaayo saxafiyiinta'. Sidaana waa lagu yiri warkaa.

Soomaaliya ayaa sanadkaan gashay nambar kow dalalka lagu laayo saxafiyiinta iyo dadka ayagu ka shaqeeya warbaahinta ideylkood. 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]