4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
Duqeyn maalintii labaad ku socta deegaanka Qandala ee gobolka Bari

Arbaco, November, 02, 2016 (HOL) -- Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii labaad halkaa laga maqlayo dhawaqa madaafiic culus oo degmada uga so dhacaya dhinaca badda.

Madaafiicdan ayaa loo maleynayaa in ay soo ridayaan maraakiib dagaal oo waayadii ugu danbeeyayba ku sugnaa xeebaha gobolka Bari, gaar ahaan xeebta degmada Qandala oo todobaad ka hor la wareegeen xoogag ka tirsan Daacish.

Dad ku sugan deegaanno aan wax badan ka fogeyn Qandala ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayaan dhawaqa madaafiicda oo si toos ah uga dhacaya qeybo ka mid ah degmada, halka dhinaca kale laga tuurayo gudaha deegaanka madaafiic kale oo loo maleynayo in ay ku jawaabayaan kooxaha halkaa ku sugan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan oo tan iyo shalay lagu garaacayo Qandala, oo ah magaalo xeebeed istiraatiji ah.

Dhinaca kale, ciidammada maamul gobolleedka Puntland ayaa wali ku sii siqaya dhufeysyada ay ku sugan yihiin xoogagga kooxda sheegatay in ay ka tirsan yihiin Daacish ee dhawaan la wareegay halkaa.

Ugu danbeyntii, degmada Qandala waxaa ka barakacay inta badan dadkii  shacabka ahaa halkaasi deganaa, kadib markii ay ka baqeen in lagu dul dagaalamo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya