4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
Barakac baahsan oo wali kasocda Qandala

Arbaco, Nofember 02, 2016 (HOL)-Qabsashada Qandala ay dhawaan qabsadeen ciidamo Daacish taabacsan balse Soomaali u badan ayaa sababtay in dad badan ay magaaladaa ka barakacaan.

Dadkaa ayaa maato u badan sida dumar iyo caruur iyo waliba duqey. Dadkaa ayaa ka baqanaya duqeymo in halkaa lala beegsado.

Tan iyo markii asbuucii lasoo dhaafay ay Daacish shaacisay in Qandala ay la wareegtay ayaa shacabku isaga baxayeen magaaladaa ayagoo u qaxayay tuulooyinka ku hareereysan magaaladaa iyo inta u dhexeysa Qandala iyo Boosaso.

Hayadaha maxaliga ah ee dawliga ah ee Puntland ayaa sheegay in ilaa 1404 qoys ay u qaxeen tuuliyinka ku dhowdhow Qandala.

300 oo qoys tuulada Buruc, 150 qoys tuulada Karin, 150 qoys tuulada Bexan, 50 qoys Dharkayn, Ceel-gaal 60 qoys, Yoos 300 oo qoys iyana.

Dadkaa barakacay ayaa waxaa ay u baahan yihiin cawimaad iyo gargaar baniaadminimo in lala soo gaaro.

Waxyaabaha ugu daran ee dadkaasi ay aad ugu baahan yihiin ayaa waxaa kujira cunto, biyo iyo gabbaad.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]