4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
Duqeyn loo geystay Al-Shabaab, tuulada Yumbis ee Afgooye

Arbaco, Nofember 02, 2016 (HOL)-Xalay ayaa duqeymo loo geystay xaraka Al-Shabaab tuulada Yumbis ee degmada Afgooye.

Maleeshiyaadkaa ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in halkaa ay ku lahaayeen saldhig. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn cidii duqeynta fulisay iyo khasaaraha ka dhashay.

Guddoomiyaha gobolka Sh. Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa dhacdadaa u xaqiijiyay warbaahinta.

Duqeymaha ayaa kusoo badanaayay gobolka Shabeelaha Hoose in dhawaale kuwaasoo diyaraadaha drones-ka loo yaqaano ay ku bartilmaansadaan xarakada Al-Shabaab.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]