4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
Magaalada Cadaado oo lagu diwaan-galinayo musharixiinta aqalka hoose

Arbaco, November, 02, 2016 (HOL) --Iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in mar kale uu dib u dhaco jadwalka doorasho ee dalka, ayaa dhinaca kale waxaa soconaya diyaar-garoow dowlad gobolleedyada qaar ugu jiraan soo xulista xubnaha aqalka hoose, kaddib markii inta badan ay soo dhameystireen xubnihii aqalka sare.

Afhayeen u hadlay guddiga doorashada heer dowlad gobolleed oo lagu magacaabo Yuusuf Diiriye Max'uud, ayaa sheegay in magaalada Cadaado maanta laga bilaabayo diiwaan galinta musharixiinta u taagan xilka qabashada kuraasta aqalka hoose.

Waxaa uu sheegay in ay diiwaan -galiyeen 969 ergo ah kuwaa oo soo dooran doona mudanayaasha baarlamaanka heer federaal ee dowlad gobolleedka Galmudug.

''Guddiga waxaa uu qabtay shaqo wanaagsan oo la xiriirta howlihii loo idmaday, waxaana rajo badan ka qabnaa in inta dhiman si wanaagsan noogu qabsoomaan''ayuu warbaahnta u sheegay afhayeenka.

Waxaa uu intaa ku darray in maalmaha soo socda uu rajeynayo in la soo dhameystiro howlaha doorashada xildhibaannada kuraastoodu taallo degmada Cadaado, madaama la guda-gallay diiwaan-galinta musharixiinta.

Ugu danbeyntii, qaban-qaabo tan la mid ah ayaa ka socta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay  oo maamul gobolleedka Koofur galbeed ku howlan yahay siddii loo soo xareyn lahaa ergada la filayo in ay soo doortaan xubnaha gollaha baarlamaanka heer federaal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya