4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
MADAXWEYNE XASAN: Saraakiishii hore ee Somalia waa inay qoraan Taariikhdii Ciidanka (Sawirro)

Arbaco, November 02, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa shalay xarigga ka jaray xaruntii ciidamada cirka Somalia ee Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xsan Sheekh, ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suuro-geliyay in xarunta Ciidamada Cirka Somaial dib loo Hawl-geliyo ku na dhiirri-geliyey ciidanka in la sii joogteeyo dib-uhabeynta hay’adaha Amniga.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa taliyaha ciidanka cirka Somalia iyo dhamaan dadkii u istaagay dib u Hawl-gelinta xaruntan muhiimka ah oo leh taariikh iyo fac-weyn, maadaama ay ahayd xaruntii u horreysey ee ciidanka Qalabka sida lagu aasaasay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ahmiyad gaar ah siisay dhismaha hay’adaha dowliga ah si looga hir-geliyo nidaamka dowliga ah dalka oo dhan.

“Dhismaha hay’adaha dowliga ah waa aasaaska dowladnimo waxaana siinay ahmiyad gaar ah si howlaha muhiimka ah ee dowladda loogu helo xafiisyadii iyo goobahii ay ka fulilahaayeen. Tani waxey noosahleysaa in Ciidanka Cirka ay maanta leeyihiin xarun casri ah oo leh adeegyadii muhiimka u ahaa inay ciidankan ku howlgalaan.

Maadaama aan mudnaan gaar ah siinay ammaanka waxaan u guntanay sidii dhammaan hay’adaha amniga ay u heli lahaayeen xarumo iyo xafiisyo ay ku gutaan waajibaadkooda qaran.”

“Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo dhamaan saraakiishii hore ee dalka waa inay qoraan taariikhdii uu lahaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo mar ahaa geesiyaasha Afrika, kana qeybqaatay ka Xorreyntii Gumeystaha Dalal badan oo Afrika ah.

Dhanka kale, Ciidankeennu waxay dalalka Afrika qaarkood u tegi jireen qaab nabad-ilaalin ah, dhex-dhexaad iyo inuu siiyo Tababaro heer sare ah. Sidaas daraadeed, jiilka cusub iyo kuwa ka dambeeya waa in loo qoraa taariikhdaas si ay ugu faanaan dalkooda, ciidamadooda iyo Qarannimadooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, ayaa u mahadceliyay xubnihii ka qayb-qaatay dib u dayactirka xarunta ciidamada Cirka, wuuuna taliska ciidamada cirka kula dar-daarmay inay dardar-galiyaan Hawlaha baaxadda leh ee ay u hayaan dalka iyo dadka, si dalka looga samata-bixiyo dhibaatada muddada dheer soo jiitameysay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya