4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
Tagsiile caawiyay Al-Shabaab oo Soomaaliya dib loogu soo celiyay

Arbaco, Nofember 02, 2016 (HOL)-Tagsiile Soomaali Mareykan ahaa oo kumanaan kun oo doolar ugu diray Soomaaliya kooxda Alshabaab ayaa dib Soomaaliya loogu soo celiyay, sida ay qortay wakalaada wararka ee AP.

Tagsiilahaa ayaa ka shaqeyn jiray gobolka California waxaana lagu magacaabaa Axmednaasir Tahaliil Maxamuud waxaana dhawaan maxkamad kutaala carriga Mareykanku ku heshay falkaa inuu ku kacay. Shalay Talaadadii ayaa la sheegay in Mr. Axmed laga dajiyay Muqdisho Soomaaliya.

Waaxda socdaalka ee Mareykanka ayaa sheegtay in Axmed ay ku wareejisay nabad sugida Soomaaliya shalay.

Ninkaa ayaa jira da'da 41 wuxuuna xabsi ku jiray Mareykanka gudihiisa muddo 6 sano ah.

Labo nin oo kale oo kiisas noocaa ah kula jiray asaga ayaa Mareykanka gudihiisa lagu xukumay muddo 10 sano ah iyo muddo 18 sano ah oo xarig ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]