4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2016
Ciidammada Ciraaq oo gudaha u gallay magaalada Mosul kaddib labo sano ay heysteen Daacish

Arbaco, November, 02, 2016 (HOL) -- Ciidammada dowladda Ciraaq oo maalmihii ugu danbeeyayba dagaal xoogan kula jira  kooxda Daacish, ayaa ugu danbeyntii u suurtagashay in ay gudaha u gallaan qeybo ka mid ah magaalada Mosul oo ah saldhigii ugu weynaa kooxda ISIS.

Ciidammada isbaheysiga ee dalkaasi Ciraaq ayaa u suurtagashay in ay gudaha u gallaan qeybo ka mid ah Mosul, kaddib dagaal culus oo daafaha magaalada ay isku weydaarsadeen xoogagga islaamiyiinta oo wali isku dayaya in ay difaacaan magaalada.

Ugu horeyn ciidammada ayaa qabsaday xarunta TV-ga Kukjali ee ku yaala cirifka bari magaalada, waxaana muuqata in wali ciidamada ay wajahayaan dagaal gurguri ah.

Sarkaal u hadlay ciidammada la dagaalanka xoogagga islaamiyiiinta ah ayaa sheegaya in ciidammada dowladda gaareen guulo, isla markaana ay magaalada oo dhan nadiifinayaan wixii hada ka dambeeya.

Dagaalyahanada Daacish ayaa adeegsanayay madaafiic iyo hub culus, waxaana koox shiishyahano ah ay qatar geliyeen ciidamada magaalada gudaha u galayay.

Dad ku dhaw dhaw labo milyan oo ruux ayaa lagu waramayaa in ay isaga barakaceen dagaallada todobaadyadii ugu danbeeyay ka socday halkaa.

Ugu danbeyntii Mosul ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq, sanadkii 2014 ayay aheyd markii ay qabsadeen Kooxda Daacish, waxaa lagu tilmaamay magaalada inay muhiimad u aheyd Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya