4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2016
Madaweynaha Somalia oo ka digay in Ciidammo Hubeysan lala galo Goobaha Doorashooyinka


Sabti, November 19, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowlad-goboleedyada dalka, guddiyada doorashooyinka, ciidamada DF Somalia, kuwa Maamul-goboleedyada iyo kuwa Hawl-galka AMISOM Hab-sami u socdka Doorashooyinka Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Waxaan u Mahad-celinayaa Madaxda Maamul-goboleedyada Dalka ka jira Doorkooda ku Aaddan sida hab-samida ay u dhacayaan Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaan ugu baaqayaa hoggaanka maamul-gobolleeyada, in ay Xoojiyaan Dadaaladooda ku aadan in doorashooyinka Golaha Shacabka si wanaagsan kusoo gabagaboobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaweynaha ayaa uga mahad-celiyey ciidanka DF Somalia iyo kuwa Amniga Maamullada dalka ka jira, sugidda Ammaanka Goobaha iyo Magaalooyinka ay ka Socdaan Doorashooyinka Aqalka Hoose. Wuxuuna ku ku baaqay in aan ciidamo hubeysan oo aanan ahayn kuwa ku hawlan Sugidda amniga goobaha cod-bixinta aan loo oggolaan inay gudaha iyo Aga-gaarka goobaha doorashooyinku ka socdaan doorashooyinka Aqalka Hoose.

Xasan Sheekh, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay Ilaalinta hab-raaca Doorashooyinka ee Madasha Qaranku horay u go’aamisay, isla markaana ay guddiyada Doorashooyinku ku hawl-galaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa ugu baaqay gudiyada Hir-gelinta Doorashada in tabashooyinka jira lagu xalliyo si sharci ah, iyadoo baaritaan dhab laga sameynayo Wax  walba oo cabasho ah, wuxuuna intaa ku daray inay muhiim tahay in wixii khilaaf ah ee jira si nabad ah ama dhaqan ah loo xalin-waayo hay’adaha & gudiyada u xilsaaran loo gudbiyo si xal sharci ah looga gaaro oo Waafaqsan Hannaanka Doorashooyinka ee lagu Heshiiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya