4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2016
Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo ka Cabatay Ergo ay sheegeen inaysan ahayn Kuwoodii



Sabti, November 19, 2016 (HOL) — Iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen Cabashooyin ku aaddan doorashooyinka ka socota Xarumaha maamul-goboleedyada Dalka, ayaa waxaa mid ka mid ah beelaha Galmudug waxay cabasho ka muujiyeen ergooyinka soo dooranaya xildhibaannadooda, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan ahayn kuwii ay horay u gudbiyeen.

Nabaddoon, Maxamuud Axmed Aadan oo Degmada Cadaado ayaa wuxuu u sheegay War-baahinta in Maamul-goboleedka Galmudug uu wax ka og-yahay Culeys la saaray jufo ka mid ah beesha Sacad oo uu sheegay, in loo diiday in loo Diiwaan-galiyo ergooyinkii ugu talagaleen inay doorashada Aqalka hoose uga qayb-galaan.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddiga Doorashada uu ergadii doorashadan uga qayb-geli lahayd jugada loo gudbiyay, balse nasiib-daro in la xareeyay ergooyin kale oo aan ahayn kuwii ay magacyadooda gudbiyeen, isagoo ku eedeeyay guddiga doorashada inay qabteen ergo aan ahayn kuwii ay u saareen inay doorashada uga qayb-galaan.

“Magacyada ergadii aanu soo Xulannay waa la diiday, waxaana kaararkii wax lagu dooran lahaa loo qaybiyay ergada kale oo aanan aqoon, iyagaana la Sawiray,” ayuu yiri nabaddoon Maxamuud Axmed oo warbaahinta kula hadlayay Cadaado.

Wuxuu kaloo nabaddoonku saxaafadda u akhriyay War-saxaafadeed ay soo saareen, isagoo sheegay in Madaxweynaha Galmudug ay Cabashadoodaan u gudbiyeen, uuna u sheegay in uu wax ka qaban doono, laakiin hawshii aysan waxba iska badalin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay soo fara-geliyaan cabashadeena, waxaana caddeynayaa inaan ma’suul ka aheyn natiijadii kasoo baxa Doorashada Aqalka Hoose ee Beeshiisa haddii arrintu ay Siddaan kusii socoto,” ayuu hadalkiisa ku daray nabadoon Maxamuud.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa 17 bishaan wuxuu soo saaray warqad uu ku amrayo in dib loo dhigo Kursiga Beeshan, inta uu kusoo laabanayo Cadaado, isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii, Kursiga muranku ka taagan yahay ayaa waxaa ku Tartamaya Xildhibaan Hore, Axmed Ducaale Geele [Xaaf] iyo Danjire C/salaan Xaaji Axmed Dhaban-cad, iyadoo odayaashu ay sheegeen in Musharrax Axmed Macallin Fiqi oo ergada soo marin uu ku sugan yahay Cadaado.

Soo rogo Qoraalka Madaxweynaha Galmudug uu kaga hadlay  Murankaan Taagan;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya