4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2016
Kulan kusaabsan isdhexgalka bulshada oo Muqdisho ku dhexmaray saraakiil boliis ah iyo qaar ka tirsan bulshada gobolka Banaadir

Sabti, Nofeembar 19, 2016 (HOL)-Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kulan damaashaad ah magaalada Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka damaashaadka ah ayaa ka dhacay Beerta-nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa uuna dhexmaray saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Soomaaliya oo muddo sannad ah tababar ugu maqnaa dalka dibeddiisa, kuwaas oo ah dhallinyaro aqoonyahanno ah oo wax ku soo bartay Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka iyo dibedda ku yaalla.

u jeedada kulanka damaashaad ah,  waxa uu  ahaa sidii Booliska Soomaaliyeed ay u dareensiin lahaayeen Bulshadooda in ay iyagu u adeeggaan, isla markaana ay tusaan in ay yihiin saaxiibka koobaad ee Bulshada, dareenka ka muuqday dadka ku sugnaa xarunta beerta-nabadda ayaa ahaa mid farxadeed, iyagoo si weyn ugu qanacsanaa in ay arkaan saraakiil Booliis  Soomaaliyeed ah oo bulshadooda waqti nabadeed la qaadanaya.

"intii ay wada joogeen ciidanka iyo shacabkooda, damaashaadku waxa uu ahaa in ay is wareystaan, isu muujiyaan niyad sammi iyo walaalnimo, waxa ayna muujinayeen astaamaha meelaha damaashaadka lagu yaqaan ee ah in sawirro lagu galo meelaha quruxda badan ee ay wada joogeen Booliiska iyo Bulshada".

Qaar ka mid saraakiishii ku sugneyd kulanka Booliiska iyo Bulshada, ayaa sheegay in  lagu soo dhoweeyey dareen nabad iyo farxad wata, maadaama ay dalka dibeddiisa tababar ugu maqnaayeen, diyaarna ay u  yihiin in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, waxa ay  ka codsadeen bulshada in ay ku gacan siiyaan shaqada nabad-galyada.

Ugu dambeyntii  taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyey bulshadii ku sugneyd xarunta beerta-nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa uu intaa raaciyey in mar walba Boolisku ay u heelan  yihiin in ay fuliyaan wax walba oo ay bulshadoodu jeceshahay, sida nabaddooda iyo horumarkoodu.

Mustafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]