4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2016
Koox caalami ah oo xabbad joojinta ka shaqeysa oo Gaalkacyo loo diray

Sabti, Nofeembar 19, 2016 (HOL)-Kooxdaa ayaa Gaalkacyo loo diray si ay u taageerto ama u xoojiso heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee dhawaan laga gaaray coolaadii magaaladaasi soo martay.

Heshiiska xabbad joojinta ah ayaa waxaa shalay wada saxiixay madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland C/Kariim Xuseen Guuleen iyo C/Wali Maxamed Cali Gaas.

 QM [UNSOM] ayaa heshiiskaas soo dhaweysay. Waxaa dhexdhexaadiyay raisul wasaaraha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/Rashiid.


Raisul wasaare Cumar C/Rashiid ayaa ka shaqeeyay sidii xabbad joojintaa mudada loogu kordhin lahaa isla markaana loo hirgalin lahaa meel ka caaggan colaada oo dhan 2 km taasoo u dhexeysa labada ciidan ee ku kala sugan labada dhinac ee magaalada.

 

Sidoo kale ayaa maanta waxaa bayaan ka soo baxay UNSOM lagu caddeeyay in  Koox caalami ah oo xabbad joojinta ka shaqeysa oo IGAD ay hoggaaminayso Qaramada Midobay-na ay taageero siisay la geeyay Gaalkacyo.


Kooxdaa ayaa shaqadeeda ku bilowday sida bayaanka lagu xusay in ay la kulantay madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug, raisul wasaaraha iyo wakiilada beelaha Galmudug iyo Puntland ee colaadu dhex martay.

 

Kooxdaa ayaa dowrkeedu yahay la shaqeynta guddiga ka kooban 18ka xubnood ee Puntland iyo Galmudug ee heshiiska hirgalintiisa wada.

 

Kooxda ayaa guddigaa talo ka siinaysa taageerada farsamo iyo u diyaarinteeda hirgalinta xabbad joojinta iyo dhisida kalsoonida u dhexeysa labada maamul ee Galmudug iyo Puntland taasoo u habboon nabad waarta iyo hannaanka dib u heshiisiinta, waa sida bayaanka lagu xusaye.  

 

"Xilka aasaasiga ah ee xoojinta iyo koormeerida xabbad joojinta la sameeyay ee magaaladaa lagu murmay gudaheeda iyo hareereheeda ah waxaa uu saaran yahay labada madaxweyne dawlad goboleedyo iyo ciidamadooda ammaanka'. Bayaanka ayaa sidaa lagu xusay.

 

'Kooxdak IGAD iyo QM xubnaheedu waxay aad ugala shaqeynayaan labada daraf xaqiijinta in heshiiskii ay ku gaareen madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Guuleed Gaalkacyo shalay si buuxda loo hirgasho loona dhawro'. Bayaanka ayaa sidoo kale sidaa lagu xusay.

  

 Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in in si dhab ah loo joojiyo colaadaha Gaalkacyo ay muhiim u tahay soo laabashada dadkii barakacay ay guryahooda ku soo laabanayaan iyo xallinta asbaabihii dirirta dhaliyay.

QM, Midowga Yurub iyo IGAD ayaa bayaankaa lagu sheegay in ay ku taageerayaan labada madaxweyne iyo hoggaamiyeyaasha beelaha Gaalkacyo  hada oo ay heshiiyeen tillaabooyinka dhisaya kalsoonida isla markaana ka weecinaya qaswadeyaasha halleynta xabbad joojinta.

“Geynta kooxdaa maanta la geeyay Gaalkacyo waa daliisha ahmiyada beesha caalamku ku cadafto xallinta colaadaa." Sidaa waxaa yiri Michael Keating oo ah ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha QM u qaabilsan Soomaaliya.

 

QM, Midowga Yurub iyo IGAD ayaa bayaankaa lagu sheegay in ay ku taageerayaan labada madaxweyne iyo hoggaamiyeyaasha beelaha Gaalkacyo  hada oo ay heshiiyeen tillaabooyinka u soo celinaya magaaladaa dadkii ka barakacay ee hareereysan rajo.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]