4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2016
Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu Sameeyay Shaqo-joojin aan la Muddeyn


Sabti, November 19, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Dr. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa Maanta Shaqo-joojin ku Sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, ayaa lagu xusay in shaqo-joojin aan la mudeyn lagu sameeyay gudoomiyihii maxkamada gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Qoraalkan ayaa lagu xusay in sababaha Shaqo-joojinta ay la xiriirto dacwooyin badan oo maxkamadda Gobolka yaalla iyo Guddoomiyuhu in uusan si buuxda gacanta ugu hayn Hawlaha Maxkamadda Gobolka.

Haddaba, AKHRISO; Wareegtada Shaqada looga joojiyay, Dr. Xaashi Cilmi Nuur;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya